Xisbiga WADDANI wuxu xalay casho sharaf u sameeyey madaxda iyo taageerayaasha Qurba-joogta ah ee Xisbigaas

 

Kulan casho sharafeed ah oo aad u heer-sareeya oo Xisbiga mucaaradka ah ee WADDANI uu u sameeyey Madaxda iyo Taageerayaasha xisbiga WADDANI ee ku nool wadamada qurbaha oo muddooyinkii dambe ku sugnaa dalka, ayaa xalay ka dhacday hotel Ambassador ee Hargeysa.

Kulankan oo uu ka soo qeyb-galay Murashaxa Madaxweynaha Xisbigaasi Dr. Cabdiraxmaan M. Cabdillaahi (Cirro), ayaa sida oo kale waxa ku wehelinaayey Murashaxa Madaxweyne ku xigeenka ee Xisbigaasi Ambassador Maxamed Xaaji Cali Cabdi, Hoggaamiyaha Xisbigaasi Xirsi Cali Xaaji Xasan, qaar ka mid ah hoggaanada, guddiyada fulinta, garabbada dhallinayrta iyo haweenka, taageerayaasha Xisbiga ee wadamada dibadda iyo weli ba sida oo kale safiiradda dawladda Ingiriiska ee u fadhida Somaliland oo iyadu na kulankaas kala soo qeyb-gashay.

Qaar ka mid ah taageerayaasha Qurba-joogta ah ee Xisbiga WADDANI oo ugu horreyn halkaas ka hadlay, ayaa dhammaantood sheegay in ay si aada uga mahad-celinayaan casho sharaftaas loo sameeyey, waxaana ay tilmaameen in ka taageerayaal ahaan aanay marnaba ka daali doonin hawlaha Xisbiga isla mar ahaantaana maadaama oo xiligan lagu jiro wakhti doorasho ay sii laban laabi doonaan dhaqaalahoodii ay u soo diri jireen Xisbiga WADDANI.

Hoggaamiyaha xisbiga WADDANI Xirsi Cali Xaaji Xasan oo isna halkaas ka hadlay, ayaa sheegay in ay farxad weyn u ahayd ka xisbi ahaan in ay casho sharaf ku maamuusaan taageerayaasha Qurba-joogta oo uu sheegay in ay kaalin muuqata ku lee yihiin hawlaha Xisbiga WADDANI.

Murashaxa Madaxweyne ku xigeenka WADDANI Ambassador Maxamed Xaaji Cali Cabdi oo isna halkaas ka hadlay, ayaa sheegay in qurba-joogta WADDANI ay yihiin taageerayaasha koowaad ee xisbigu ku dhaqaaqo isaga oo si weyn uga ga mahad-celiyey dhaqaalaha ay mar walba u soo diraan Xisbiga sida oo kale na ku dhiiriyey in ay sii laban laabaan dedaalkooda ku aadan taakuleynta Xisbiga WADDANI.

Murashaxa Madaxweynaha WADDANI Dr. Cabdiraxmaan M. Cabdillaahi (Cirro) oo isna ugu dambeyntii halkaas ka hadlay, ayaa sheegay in uu aad ugu faraxsan yahay in ay kulan casho sharaf ah u sameeyaan Qurba-joogta, waxaana uu tilmaamay in Qurba-joogta WADDANI ay laf dhaba u yihiin Xisbiga isla mar ahaantaana uu Xisbiga WADDANI halkaas ku soo gaadhay taageeraddooda dhaqaale iyo talo ahaaneed ba.

bandhige@gmail.com