Cabdiraxmaan-cirro wuxu ka badheedhay dood siyaaseed oo ay soo qaban-qaabisay Madasha Wada-tashigu oo xalay la isku horfadhiisiyey Murashaxiinta Axsaabta

 

Dooddii siyaasadeed ee u horreysay ee dhexmarta  loo qabto murashaxiinta axsaabta ee ku loolamaysa doorashada kursiga madaxweynaha  oo xalay  lagu qabtay magaallada Hargeysa ayaa waxaa isku hor fadhiistay isla markaana dareenkooda ku soo bandhgigay  labada murrashax Madaxweyne ee xisbiyada KULMIYE iyo UCID – Muuse Biixi Cabdi iyo Faysal Cali Waraabe.

Dooddan oo ay soo qabanqaabiyeen guddiga Madasha Wadatashiga Somaliland oo la doonayey inay dhaxmarto dhammaan saddexda murrashax ee xisbiyada qaranka ee KULMIYE, UCID iyo WADDANI, ayaa waxa isku haleelay murrashaxa Madaxweynaha KULMIYE Muuse Biixi iyo murrashaxa Madaxweynaha UCID Faysal Cali-waraabe, waxase aan ka qaybgalin oo diiday inuu ka qaybgalo murrashaxa Madaxweynaha xisbiga WADDANI Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), oo isagu markii ay soo gebogabawday sheegay in aan haba yaraatee lagu soo casuumin isla markaana waxba kala socon dooddaas oo uu qaybinayay Prof. Cabdisalaan Yaasiin oo katirsan madasha wadatashigu.

Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) waxaa uu ku hanjabay in dood uu diyaar u yahay ciddii u baahan in ay is hor fadhiistaanna ay u soo diyaar garoobaan xilli hadh cad ah, isagoo arrintaasi ka hadlayana waxa uu yidhi:

“Waxaan Shacbiga u sheegayaa aniga la iguma wargelin dooddaas, cidina igumay casuumin la iimana sheegin ee dad uun baa isoo weydiiyey  in halkaa [Hotel Guuleed] ay kajirto doodi, wasaaradda waxbarashaduna imay soo casuumin, madalina [madasha wada-tashiga] imay casuumin, qof ilasoo hadlayna ma jiro, ragga la igu yidhi meesha ayay ka hadleen [daadihiyeyaasha doodda] ee yidhi [Cabdiraxmaan] wuu ka cudur-daartayna waxba kama jiraan waayo marka horeba la iima sheegin, markaas intaas baan shacbiga u sheegayaa”.

Cabdiraxmaan-cirro oo markii dooda laga soo dareeray kadib magaallada Hargeysa kula hadlay qaar kamid ah warbaahinta muuqaalka ah [TV-yada]. Cabdiraxmaan-cirro waxaa uu ku ku baannay isla markaana ugu hanjabay murashaxiinta dhigiisa ah in haddii dood la isku hor fadhiisinayo ay soo diyaar garoobaan hadh-cad, isagoo arrintaasi ka hadlayana waxa uu yidhi:

“Ninkii dood doonayaa hasoo diyaar garoobo hadh cad, doodahana si baa loo qabtaa oo ama TV baa qabta,ama  machad cilmi ah baa qabta laakiin wasaarad ay dawladdu leedahay ma qabato dood, waayo xukuumadda ayay ka tirsan tahay, xisbi bay ka tirsan tahay, sida la ii sheegayna [madasha doodda lagaga hadlayay] waxay u eekayd uun meel uu KULMIYE ka botorinayay”. 

Halkan hoose ka daawo muuqalka uu Prof: Cabdisalaan Yaasiin oo shaaciyey sababta uu Guddoomiye Cirro kaga maqnaaday kulanka dooda: 

Halkan hoose ka daawo muuqaalka deedifaynta Guddoomiye Cirro ee martiqaadkiisa: 

Xigasho: Hubaal Media.

bandhige@gmail.com