Loolan siyaasadeed, qoysnimo oo ilaa 1966 ah ayaa saamayn doonna doorashada Kiiniya

 

Labo qoys oo uu ka dhaxeeyo xifaaltan adag oo siyaasadeed ayaa ku hardamaya doorashada madaxweynenimo ee dalka Kiiniya, kaasi oo soo biloowday xiligii xoriyadda uu dalkani qaatay nus qarni ka hor.

Haddaba waxaa jira waxyaabo qeyru caadi ah oo ololaha doorashada ku saabsan oo Kiiniya ka dhacaya, BBC-da ayaa u kuurgashay qaar ka mid ah arrimahaasi.

Musharixiinta u tartamaya kursiga madaxweynenimo waxa ay isku dayayaan wax kasta oo suurtogal ah oo ay taageerayaashooda sidii ay uga dhaadhicin lahaayeen in ay cod bixinta usoo baxaan maalinta doorashada, laakiin mid ka mid ah musharixiinta oo ah Raila Odinga ayaa u muuqda in uu ku fogaaday arrintaasi kadib markii uu taageerayaashiisa ugu baaqay in ay ka baaqsadaan galmada habeenka ka horeeya maalinta doorashada.

“8-da bisha August waa maalin taariikhi ah, mana jiri doono cod baaqanaya oo aanan lagu ridi doonin, ragga oo dhan waxa ay seexan doonaan banaanka, mana jirayo nin la seexan kara haweeney maalinta doorashada” ayuu yidhi Raila Odinga.

Waxyaabaha muhiimka ka ah doorashada ayaa ah hadba sida loogu soo baxo codbixinta, waxayna u egtahay in Odinga uu aad isugu dayayo in dhammaan taageerayaashiisa diiwaangashan ay soo baxaan oo ay wada codeeyaan si uu uga guuleysto Uhuru Kiiniyatta.

1) Mamnuucista khamriga

Wakaalad dowladda ka tirsan oo la dagaalanta maandooriyeyaasha ayaa soo saartay amar ay ku mamnuuceyso cabbida khamriga muddo todobaad ah illaa laga gaadhayo doorashada kadib.

War ay soo saartay wakaaladan ayay ku sheegtey in loo baahanyahay in dadka ay ahaadaan kuwa aanan sirkhaansanayn  maalinta doorashada.

2) Jacaylka Liinta

Mid ka mid ah waxyaabaha lagu garan karo isu soo baxyada mucaaradka waxaa ka mid ah liinta oo astaan u ah xisbiga ODM oo ka mid ah xisbiyada ku bahoobay isbahaysiga NASA.

Balse asal ahaan liinta waxa ay ka timid aftidii wax ka badalka dastuurka Kiiniya ee sanadkii 2005-tii, xiligaas oo ay astaan ka dhigteen kooxdii Ololaha ‘Maya’ ee uu Raila hormuudka ka ahaa, kuwaasi oo ku guuleystey aftidii dastuurka loo qaaday.

3) Saamaynta taariikhda

Madaxweyne Uhuru Kiiniyatta ayaa doorashada ku galaya isbahaysiga Jubilee, kaasi oo ay ku midoobeen labada xisbi ee kala ah TNA oo uu isaga hoggaamiyo iyo URP oo uu hoggaamiyo madaxweyne ku xigeenkiisa William Ruto.

Balse magaca Jubilee ayaa waxa uu ka yimid sanadkii 2013-kii xiligaasi oo Kiiniya ay u dabaaldegtey sanad guuradii 50aad tan iyo markii uu xornimada qaatay dalkan.

Hal-ku-dhagga isbahaysiga Jubilee ayaa ah ereyga sawaaxiliga ah ee ‘Tano Tena’ oo loola jeedo “shan sano oo kale”, halka isbahaysiga NASA ay hal-ku-dhag u tahay kalmadda ah “Mambo Yabalilika” oo loola jeedo “Isbadal ayaa dhacaya”.

Qoysaska Kiiniyatta iyo Odinga ayaa waligoodba ku loolamayay awoodda illaa iyo markii ay Kiiniya xornimada Britain ka qaadatay sanadkii 1963-dii.

Balse doorashadani ayaa u muuqata in ay soo afjari doonto xifaaltanka ka dhaxeeya qoysaskan taariikhda fog Kiiniya ku leh.

Taariikhdooda waxa ay ku bilaabatay saaxiibtinimo labada qoys ah. Raila Odinga aabihii Jaramogi Oginga Odinga ayaa waxaa fursad uu dalka ku hoggaamiyo siiyey gumeysigii Ingiriiska, balse waa uu diidey, isaga oo sheegey in Kiiniya aanay  xornimo qaadan karin inta uu xabsiga ku jiro hoggaamiyahooda, Jomo Kiiniyatta.

Markii xornimada la qaatay, Jaramogi Odinga waxa uu noqdey madaxweyne ku xigeenka Jomo Kiiniyatta.

Hase yeeshee labada nin ayaa isku dhacay sanadkii 1966-dii, halkaasina waxaa ka dhashay xifaaltanka illaa maanta ka dhaxeeya labada qoys iyo waliba beelahooda kala ah Kikuyu (qabiilka Kiiniyatta) iyo Luo oo ah qabiilka Odinga.

Dadka isticmaala baraha bulshada ayaa wada olole xaga internetka ah oo ay hal-ku-dhag uga dhigeen ereyga ah #Fagiawote oo micnaheedu yahay “Xaadha kuligood”.

Waxa dadka ay si weyn u eedeynayaan xildhibaanada hadda jira oo ay sheegeen in ay yihiin kuwa hanti-uruursi ku jira, islamarkaasina ay noqdeen lama taabtaan.

Waxa ay sheegeen in sida kaliya ee lagu ciqaabi karo siyaasiyiinta ay tahay xiliga doorashada in laga codeeyo.

Dumarka ayaa iyagu si gaar ah u bartilmaameedsanaya mid ka mid ah guddoomiyeyaasha degmooyinka oo lagu eedeeyey in uu isticmaalo hadalo uu ku bahdilayo haweenka.

4) Maad iyo Qosol

Mid ka mid ah musharixiinta ka taagan degmada Machakos ee Koonfur Galbeed Kiiniya ayaa iyada oo hadal ka jeedineysa meel fagaaro ah waxa ay damacday in sheegto maahmaah ah “Wixii Tagay Tiigsimaad Ma leh” oo kale, balse waxa afka kasoo dafay erey kale oo ah “yaliyo ndwele sipite”, kaasi oo aanan lahayn wax micno ah oo la fasiri karo.

Balse waxa ay noqotey arrin ay si weyn ugu maadsadeen dadka oo dhan, waxaana laga sameeyey sheekooyin maad iyo qosol ah, waxaana ka mid ah tartan loogu magac daray Wavinya Challenge, kaasi oo dadka baraha bulshada isticmaala uu mid kasta sheegayo erayo aanan wax micno ah samaynaynin, balse qosol uun looga dan leeyahay.

Xaalada ayaa cirka isku sii shareertey kadib markii nin heesaa ah uu hees ka sameeyey.

5) Natiijada Doorashada ee Kama dambeysta ah

Bishii June maxkamadda sare ayaa xukuntey in natiijaooyinka madaxweynenimo looga dhawaaqo hadba goobta uu codka ka dhacay ee 290-ka deegaan-doorasho.

Hore waxaa natiijada looga dhawaaqi jirey xarunta guud ee guddiga doorashooyinka ee Nairobi, balse dadka wax dhaliila ayaa sheegey in xarunta dhexe marka codadka la keeno ay dhacdo ku shubasho codadka.

Isbadalkan waxa uu ka dhiganyahay in qofka guuleystey la ogaan karo xili hore, balse sidaasi oo ay tahay wali waxaa la filan karaa in is-dabomarin ay dhacdo.

Sidaasi oo ay tahay guddiga doorashada ayaa ah kan kaliya ee xaqa u leh in uu ku dhawaaqo natiijada kama dambeysta ah ee doorashada. Ugu dambayn maalinta 8 August ayaa loo dareerayaa doorashada Kiiniya.

Xigasho: Geeska Afrika.

bandhige@gmail.com