Xisbiga Kulmiye wuxu Caydaruus Aadan Garwaf u magacaabay Agaasimaha guud ee maamulka xarunta guud ee xisbiga KULMIYE

 

Xisbiga Kulmiye wuxu Caydaruus Aadan Garwaf u magacaabay Agaasimaha guud ee maamulka xarunta guud ee xisbiga KULMIYE

Xoghayaha guud ee xisbiga KULMIYE Xasan Siciid Yuusuf ayaa Caydaruus Aadan Garwaf u magacaabay inuu noqdo agaasimaha guud ee maamulka xarunta guud ee xisbiga KULMIYE.

Xasan Siciid ayaa qoraal uu soo saaray wuxuu ku yidhi:

“Markaan arkay muhiimada ay magacaabistani u leedahay habsami u socodka hawlaha shaqo iyo abaabulka xisbiga KULMIYE. Markaan ku qancay kartidiisa, waayo aragnimadiisa uu u leeyahay hanaanka maamul ee xisbinimo isagoo ka mid ahaa dhallinyaradii ugu firfircoonaa xisbiga KULMIYE. Markaan arkay baahida uu xafiiska xarunta dhexe ee xisbiga KULMIYE u qabo, waxaan laga bilaabo 01/08/2017 u magacaabay Caydaruus Aadan Garwaf inuu ahaado agaasimaha guud ee xarunta xisbiga KULMIYE.”

Halkan hoose ka akhriso lifaaqa warqada magacaabista:

bandhige@gmail.com