Qaar ka mid ah Culimada Somaliland waxay baaq kasoo saareen dib u habaynta kaniisadda ku taal Hargeysa oo muran wayne dhalisay

 

Xubno ka mid ah culimada waa weyn ee Somaliland ayaa baaq ka soo saaray Kiniisad la sheegay in dayactir lagu sameeyay oo ku taalla magaalada Hargeysa.

Culimada ayaa xukuumadda u soo jeediyey talooyin ku saabsan habka loo wajahayo kaniisaddaas oo ay sheegeen in aanay bannaanayn dib-u-dayactirkeedu. Waxay shacabka ugu baaqeen in ay ilaaliyaan midnimada iyo xasiloonida dalka.

Culimadan oo xalay warbaahinta kula hadlay Hargeysa, kana mid ahaayeen Sheekh Maxamed Cumar Dirir, Sheekh Cali Maxamed Geeddi, Sheekh Xasan Cabdisalaan iyo culimo kale.

Halkan hoose ka daawo muuqaalka warkan:

bandhige@gmail.com