Yaa dadka ugu maqal wanaagsan? (WQ: Nuur Xaaji Xiiray)

 

Salaad maqrib ayaanu tukanay masaajidka, Sheekha masaajidku wuu noo duceeyaa salaada ka bacdi (waa midh midhka ka hadhay odayadii shaaficiyada, mad-habka shaafici imika waa agoon, oo kuwan mad-habka xambaliyiinta fidiya ee ismoodaya inay dacwad wadaan ayaa la dagaalama. dacawadu waa qof lunsan oo aad illaahay ku soo xidho, maaha madahab, mad-hab kale ku badal, taas dacwad lama yidhaa ee waa wareerin caamada ah, imika waad ogtihiin wareerka masaajidada ka taagan ee bisinkii,qunuudkii iyo ducadii layskugu haysto) hadalkii aan ku soo noqdo eh, maalintaa noo muu ducayn, anoo la kaftamaaya ayaan idhi sheekh ducadii maad cuntay maanta, intaanu ii jawaabin ayaa nin indhoole ah ii jawaabay oo  igu yidhi adigu ducayso.

Markaas ayaan suaashan is waydiiyay indhoolaha iyo qofka indhaqaba kee maqal wanaagsan?  Dadku inta badan waxay qabaan in indhooluhu ka maqal wanaagsanyahay qofka indha qaba, anigu qudhadkaygu sidaas ayaan aaminsanaa illaa aan dhacdadan ka fikiray.

Haddaba marka meel wax ka dhacaan, wuxu doono ha ahaado eh, qofka indhoolihii wuxu maqlaa uun codad, sanqadh iyo wax loo waramo. laakiin qofkii indhoqabay codk iyo aragitidii ayaa isu raacaya markaasuu xaaladii si fiican u qiimaynayaa, inay tahay xaalad kaftan inay tahay xaalad doodeed  iwm, waayo gaaladu waxay yidhaahdaan (the eyes never tell lie) macnaheedu waxa weeyi indhudhu been ma sheegaan, shucuurka qofka oo dhan waxaad ka akhrisan kartaa indhihiisa, laakiin indhooluhu ma qiimaan karo xaaladaa, codkaa uu maqlay ayuunbuu ka jawaabayaa iyo waxa loo yeedhiyay, markaa waxaa dhacaysa inu si qaldan u jawaabo.

Aniga aragtidayda markaa qofka indhoolaha ihi boqolkiiba konton ayuu wax maqlaa marka loo eego qofka indhaha qaba.

Markaa aragtidayda ninka indhoolaha ihi shaqooyinkan  oo muhim ah ma qaban karo, sida inu noqdo qof xaakim ah ama mufti, cilmigiisu inta uu doono ha gaadho eh, illayn maqalkiisiiba boqolkiiba konton eh.

Waxaan u arkay sababtaas ayay dawladah baadilku had iyo goor uga dhigaan muftiga indhoole, waa si ay ugu yeedhiyaan waxay doonayaan, isna dhawaaqa uu maqlay uun uga jawaabo.

Markaa qofwal oo indhoole ah waxaan kula talin lahaa, shaqooyinkaa ha isku qaban si aan laguu adeegsan.

Halkan hoose ka akhriso maqaalladii hore ee Nuur Xaaji Xiiray:

Maxaa liiska argagixisada laynoogu daray yaab

Halkee ayay wax ka qaldan yihiin 

Dadkeenu xor maaha

Faataa dhugleh

Dadku maamul xumo ayuunbay ka cabanayaan uun 

Xamar ayaa carqaladaynaysa saldhiga 

Tolow Soomaalidii looma ooyaanka ahaa yaa ku dilay bada Yemen

Ribo Ribo Ribo 

Tolow muxuu Kulmiye u riixayaa in doorashadu waqtigeeda qabsoonto?

Waxaynu galnay xaalad kala guur, tolow siday noqon

Dhidar onkod kiciyay

Dhallinyartaay xaaladdu way adag tahaye faashashka badsada

Cadduur dhawdhawduba uma dhacsana

Dadkeenu ma istaahilaan in wadooyinka loo sameeyo

Dumarku waa kuwan shaqooyinkii la wada wareegay ee tolow lacagta xaggee ayey geeyaan

Isku shaandhaynta xoogaa leh tolow maxaa kalifay isagoo waqtiga hadhay yar yahay

Golaha wakiiladu yay matalaan

Maxay ahayd ujeeddadii laga lahaa dagaalkii 1988, goorma ayuuse bilaabmay?

Gaaladu labada wadan ee ay indho gaar ah ku eegaan

Bal ummaddan uu dulinku daashaday eega

Yaa soomaliland sameeyay?

Dajjaal iyo labadiisii salladood 

Maxaad ka taqaan Yuhuuda?

11 Sibtambar Soomaaliya khiyaamadii ugu waynayd

Yaa Soomaali halkaa dhigay?

Luqadee ayaa wax lagu baranayaa 

 Siyaasadda Waxbarashada 

Barasho horteed ha i nicin

Ha isku akhriyin haddii aanad ku camal falayn

Qaabka ragga loo dhufaano

Cisaabada ragga dhufaanta

Dhacdo ugub ah oo masaajid Hargeysa ah ka dhacday

Waar xaggeed ku socotaa? 

Muxuu u batay bilaa-camalku?

Munaafiqiinta casriga ah

Waa maxay siyaasaddu?

Eydu waa bilicda magaalada

Bal dadkan ku dawakhay riwaayadan Kulmiye eega

Waa kuma doqonku?

Qabiil ma jiraa?

Waa kuma wadaadku?

Dadku xerooyin ayay ku jiraan

Sidee ummadi ku horumari kartaa ama qof ku horumari karaa?

Dhuuqaa ha noqon

Goorma ayaa ummad la hoggaamin karaa?

Sidee ayay u shaqeeyaan dadka dadka waalaa

Maxaad ka taqaanaa dadka waala?

Xarakaadka Islaamku ma gaadheen ahdaaftoodii?

Life is three days

Global War

Maxaa Somaliland loo ictiraafi waayey?

Yaa burburiyey Soomaaliya?

Dhallintu way gaajoonaysaa!

Shakhsiyadda adduunka loogu neceb yahay

Maxaa dadkeena sidan u galay

Dadka doofaarrada noqday

Ummad aan xidhe lahayn!

Nuur Xaaji Xiiray

nur.hersi21@gmail.com