“Waa la soo daayey xubnihii Komishanka Doorashooyinka ee Sanaag ku afduubnaa” Siciid Cali Muuse

Af-hayeenka Komishanka Doorashooyinka Qaranka Siciid Cali Muuse ayaa xalay war-saxaafadeed uu baahiyey ku sheegay in la soo daayey xubnihii Komishanka Doorashooyinka oo dablay hubaysani ay ku afduubteen meel u dhaxeeye Yubbe iyo Badhan iyada oo ay saxaafadda qaar shalay baahiyeen in afduubkaas ay Puntland ka dambaysay.

Siciid Cali Muuse wuxu sheegay in sii-daynta kooxdaas uu aad uga qayb-qaatay madax-dhaqameedka Bariga Sanaag, gaar ahaan Suldaan Siciid Suldaan Cabdisalaan Suldaan Cali Shire.

Dadka dablayda u afduubnaa waxa ka mid ahaa xubno ka tirsan Guddida Doorashooyinka Sanaage ee heer gobol, Qamar Taleex oo ka tirsan Golaha Deegaanka Ceerigaabo, iyo saraakiil ka socotay hay’adda waddaniga ah ee Taakulo.

Af-hayeen Siciid Cali Muuse wuxu sheegay in xubnihii Komishanka iyo madaxdii NGO-ga Taakulo iyaga oo bad-qaba ay xalay ku soo laabteen Ceerigaabo.

Omar Jaamac Taakulo
Cumar Jaamac, Guddoomiyaha NGO-ga Taakulo oo la jooga taliyihii lagu wareejiyey markii la soo daayey

Guddoomiyaha hay’adda Waddaniga ah ee Taakulo Cumar Jaamac Faarax oo ka mid ahaa dadkii Axaddii la qafaashay ayaa mar dhawayd isaguna mar dhawayd bartiisa internetka ku baahiyey in uu Ceerigaabo ku soo noqday isaga oo bad-qaba. Cumar Jaamac wuxu soo-dayntiisa uga mahad-naqay Suldaan Buur Madow oo uu ku tilmaamay in aanu ka nasan ilaa intii uu ka hubinayey in ay xorriyaddoodii heleen.

Omar Jaamac Taakulo3 Omar Jaamac Taakulo2

Bandhige@gmail.com