Haamaha Kaydka Shidaalka Berbera oo lagu wareejiyey lix shirkadood

Kadib markii ay xukuumadda Somaliland muddo aad u dheer dafiraysay waxa ka jira heshiiskan, ugu dambayn waa ay caddaysatay.

Xaflad shalay ka dhacday Berbera, gaar ahaan xarunta keydka haamaha shidaalka Berbera ayaa lagu wareejiyey ganacsato keydka haamaha shidaalka Berbera.

Xafladan ayaa waxa loo diiday saxaafada oo doonaysay tebinta wareejinta keydka haamaha shidaalka Berbera.

Xafladii Wareejinta ka dib, Wasiirka Ganacsiga Muuse Qaasim ayaa waxa uu maanta shaaca ka qaaday in ay xukuumaddu ku wareejisay keydka haamaha shidaalka Berbera lix shirkadood oo uu ku sheegay in ay hore shidaalka waddanka keeni jirey.

Wareejinta Keydka haamaha shidaalka Berber ayaa waxa muran ka dhex abuuray xukuumadda iyo golaha baarlamaanka oo laalay go’aanka wareejinta keydka haamaha shidaalka Berbera.

Wasiirka ayaa sheegay in shirkadahan laga kireeyey keydka haamaha shidaalka Berbera muddo dhan labaatan sanno ah. Balse waxa uu sheegay in ay wasaaradiisu yeelanayso maamulka iyo hubinta tayadda shidaalka dalka soo galaya.

Maareeyaha keydka haamaha shidaalka Berbera Sheekh Saleebaan Siciid ayaa hore waxba kama jiraan ku tilmaayey in ay xukuumaddu ku wareejinayso keydka haamaha shidaalka Berbera ganacsato reer Somaliland.

Wareejinta keydka haamaha shidaalka Berbera ayaa waxay ku soo beegmaysaa wakhti loolanka musharaxiinta xisbiga Kulmiye oo cir isku shareeray oo ay uu noqday arrimaha saxaafadda, goobaha dadku ku kulmaan iyo goobaha siyaasiyiinta fadhi ku dirirka ahi ku falanqeeyaan.

Xukuumadda ayaa wareejinta keydka haamaha shidaalka Berbera ka soo saartay warar isburinaya.

 

bandhige@gmail.com