Qarax ay ku dhinteen dhowr qof oo ka dhacay xero qaxoonti oo ku taal Lubnaan

Xeri qaxoonti oo ku taala Lubnaan oo ay degan yihiin qaxoonti Suuriyaan ah ayaa waxa dhacay qarax weyn oo ka galaaftay nolosha dhowr qof, dhowr qof oo kalena ay ku dhaawacmeen.

Xeradan oo ku taalay xadka ay Lubnaan la wadaagto Suuriya ayaa wararka laga helayo ay sheegayaan in qaraxan ay ciidamada Lubnaan ku bartilmaameedsanayeen maleeshiyaad hubeysan oo degan magaalada Arsal.

Arsal ayaa labadii sanno ee la soo dhaafay waxay ahayd meel rabshado ka taagan yihiin.

Sannadkii tegay ayaa waxa Arsal ku dagaalamay ciidamada dawladda iyo xagjiriinta.

Kooxda xagjiriinta ah ayaa waxay Arsal ka gaystaan afduubyo iyo dilal ay beegsadaan ciidamada dawladda.

bandhige@gmail.com