Waa maxay sababta afar waddan oo Carbeed ay xidhiidhka ugu jareen Qadar

 

Waddamada Sucuudiga, Imaaraadka, Baxrayn iyo Masar ayaa si lama filaan ah xidhiidhka diblomaasiga ah ugu jaray Qadar.

Sababo kala duwan ayaa loo aanaynayaa in uu go’aankan qallafsani ku yimid laakiin waddamadan ayaa iyagu sheegay in ay xidhiidhka Qadar u jareen kadib markii ay yaqiinsadeen in waddankan yar ee Khaliijiga ahi uu taageero argagixisada caalamka sida ISIS, Alqaacida iyo ururrada shiicada.

Sucuudiga ayaa sheegay in uu xidhay xuduudihiisii dhinaca cirka, dhulka iyo badda ee uu Qadar la lahaa, halka Imaaraadkuna uu joojiyey duulimaadyadii ay diyaaraddiisa Etihad ku tagi jireen waddanka Qadar isla markaan uu 48 saacadood u qabtay in diblomaasiyiinta Qadar ay kaga baxaan dalkooda.

Baxrayn iyo Masar ayaa iyaguna caddeeyey in ay xidhiidhkii diblomaasiyadeed u jareen Qadar.

Isku-dhacan ku yimid dawladaha awoodda badan ee Khaliijka ayaa la ka dambeeyey kadib markii la shaaciyey weedho la sheegay in uu Amiirka Qadar Sheikh Tamim bin Hamad al-Thani ku tiraabay oo uu ku sheegay in aanay jirin sabab ay waddamada Carabtu ula colloobaan Iiraan iyo sidoo kale in ay Qadar iyo Israa’iil saaxiib yihiin.

Afartan dal ayaa laba toddobaad ka hor waxay waddankooda ka xayireen in lagu dheehdo ama akhristo warbaahinta awoodda badan ee Qadar sida Aljazeera oo ah telefishan caalami ah laakiin ay waddamada Khaliijku ku eedeeyaan in uu u adeego danaha Qadar.

Waddanka Qadar ayaa iska fogeeyey weedhaha lagu eedeeyey ammiirkooda waxayna ku tilmaameen in koox qawlaysato ah oo jabsatay warbaahintii Qadar ay ammiirka ka been abuureen, laakiin sida muuqata beenintaas dawladda awoodda badan ee Sucuudigu dheg jalaq uma ay siin.

Qadar oo ka mid ahayd ciidamada dagaalka kula jira Xuutiyiinta Yemen ayaa diyaaradaheedii lagu amray in ay ka baxaan dagaalka uu Sucuudigu hor kacayo si loogu muujiyo ilaa heerka ay gaadhsiisan tahay cadhada loo qabo dalka Masar.

Waa markii koowaad ee waddamada awoodda badan ee Khaliijku ay u kala jabaan khilaaf ilaa heerkan gaadhay.

Xurgufta Qadar iyo Sucuudiga oo muddo soo jiitamaysay ayaa bilaabantay 2013 kadib markii ay Qadar ka soo horjeedsatay in xukunka laga tuulo nidaamkii Akhwaanu Muslimiinta ee uu hoggaaminayey Maxamed Mursi taas oo uu Sucuudiguna taageersanaa.

Sucuudiga ayaa ah hoggaamiyaha waddamada Khaliijka ururka ay ku midaysan yihiin isla markaana aan oggolaan in gorgortan la geliyo awooddiisa.

Kala soco Bandhige wixii hadba warkan ka soo kordha.

Il-wareed: Wakaaladaha Wararka ee Caalamiga ah

Bandhige@gmail.com