“Waanu diyaarinay kharashkii doorashooyinka” Wasiirka Maaliyadda

Wasiirka Maaliyadda Somaliland Samsam Cabdi Aadan ayaa shaacisay in ay diyaarisay kharashkii xukuumadda Somaliland kaga aadanaa doorashooyinka Somaliland.

Sidaas waxa ay u sheegtay warbaahinta Somaliland kadib markii ay ka soo baxday shir ay la qaadatay qaadhaan-bixiyeyaal ka mid ah daneeyeyaasha doorashooyinka Somaliland oo kulan la qaatay xukuumadda, gaar ahaan waxa ay ka socdeen waddamada Ingiriiska iyo Maraykanka.

Wasiir Samsam waxa ay sheegtay in xubnihii weftiga ee ay la kulantay ay ku qanceen hannaanka ay xukuumaddu u waddo abaabulka doorashada iyo weliba sida uu u socdo mashruucii dib-u-habaynta maaliyadda Somalialnd, kaas oo sida la sheegay wax badan ku kordhinaya hannaanka maaliyadda iyo dhaqaalaha Somaliland haddii sidii loogu talo galay loo fuliyo.

Doorashooyinka madaxtooyada iyo baarlamaanka oo isa-saar ah ayaa la muddeeyey in ay dalka ka qabsoomaan 28-ka March 2015-ka, iyadoo ay sidaas goysay Maxkamadda Sare ee Somaliland isla markaana uu saxeexay Madaxweyne Siilaanyo.

Shirkii Golaha Dhexe ee Kulmiye ee qabsoomay 10-kii November ee lagu doortay murashaxa madaxweynaha iyo ku-xigeenka u metelaya xisbiga Kulmiye ayaa u muuqda in uu ahaa astaan muujinaysa in ay xukuumaddu isku diyaarinayso sidii doorashadu wakhtigeeda ugu qabsoomi lahayd.

Bandhige@gmail.com