Waddamada Khaliijka Carabta oo ka shiraya xaalada xidhiidhka Sucuudiga iyo Eeraan

Waddamada ka tirsan khaliijka Carabta ayaa maanta waxa shir uga furmay magaalada Riyaad ee Sucuudiga, shirkan ayaa waxa lagaga hadlayaa xiisada diblomaasiyadeed oo cirka isku shareertay todobaadadii ugu dambeeyey.

Xaalada siyaasadeed ee u dhaxaysa Sucuudiga iyo Eeraan ayaa waxay salka ku haysaa madhaba Shiicada iyo Sunniga.

Waddamadan shirka soo qayb galaya shirkan ayaa waxay badankoodu u xidhiidhka diblobmaasiyadeed u jareen Eeraan taas oo gadh-wadheen u yahay Sucuudigu.

Shirkan ka furmay Sucuudiga ayaa waxay dadka ka faalooda arrimaha siyaasadda bariga dhexe ayaa waxay saadaalinayaan in shirka ay ka soo bixi doonaan in wadamadin isku raacaan in xidhiidhka loo jaro Eeraan, inkastoo Eeraan dacwad u gudbinayso Qaramada Midoobay taasi oo ka dhan ah Sucuudiga.

Sucuudiga ayaa waxa haatan kaga gacan sareeya Eeraan arrimaha saameynta waddamada  Carabta oo badankoodu taageeray go’aanka Sucuudigu xidhiidhka ugu jaray xidhiidhkii diblomaasiyadeed Eeran

bandhige@gmail.com