War-saxaafadeed ka soo baxay xisbiga Waddani uu u ku saxeexan yahay Xoghayaha Guud ee Xisbiga Waddani Maxamed Cabdillaahi Uurcade ayaa waxa dib loogu dhigay muddo todobaad iyo badh ah wakhtigii ay u mudeeyeen in uu dhaco shirkii Golaha Dhexe oo mudaysnaa 1-da bisha Oktoobar 2016-ka.
War-saxaafadeedkaas oo dhamaystirani waxa uu dhignaa sida tan:
Iyada oo Guddiga Golaha Dhexe ee Xisbiga Waddani hore u iclaamiyey in shirka Golaha Dhexe ee Xisbiga WADDANI qabsoomayo 1-2 October, 2016.
Waxaa lagu war-gelinayaa dhammaan Laamaha dibedda, gobollada iyo degmooyinka dalka Jamhuuriyadda Somaliland iyo dhammaan xubnaha Golaha Ghexe ee Xisbiga Waddani in arrimo farsamo awgeed dib loogu dhigay qabshada shirka Golaha Dhexe ee Xisbiga Waddani 10-11, October ย 2016
ALLAA MAHAD LEH
_________________________________
Md. Maxamed Cabdillaahi Uurcade
Xoghayaha Guud ee Xisbiga Waddani