Wafdi uu hoggaaminayay kaaliyaha xoghaya guud ee Qaramada Midoobay, ahna isku duwaha arrimaha baniโaadannimada ee Itoobiya Dr Ramiz Alakbarov ayaa booqasho ku tegay magaalada Jigjiga.
Wafdiga ayaa kulan la yeeshay masโuuliyiinta dawlad deegaanka Soomaalida oo ay ka wada hadleen sidii loo xoojin lahaa hawlaha gargaarka baniโaadannimada iyadoo mudnaanta la siinayo sidii dib loogu billaabi lahaa raashinkii gargaarka, iyo sidii dawladda looga taageeri lahaa barnaamijyada horumarka ah ee ay waddo.