Dawlada Israa’iil iyo Qaramada midoobay ayaa si wayn isugu maan dhaafay go’aanka Israel ay ku mastaafurinayso kumanaan qaxooti Afrikaan ah oo dalkeeda sharci daro ku jooga.

Dawlada Israa’iil iyo Qaramada midoobay ayaa si wayn isugu maan dhaafay go’aanka Israel ay ku mastaafurinayso kumanaan qaxooti Afrikaan ah oo dalkeeda sharci daro ku jooga.

Sida warbixin laga helayo dalka Israel ay cadaysay ilaa todobaatan kun oo qaxooti Afrikaan ah ayaa ku sugan dalkaas, kuwaas oo midab takoor iyo xad gudubyo aad u tiro badan lagu hayo.

Dhawaan ayay ahayd markii booliska Israel ay rasaas nool u adeegsadeen dad qaxooti ah oo xaaladooda nololeed ka cabanayay, kuwaas oo in badan oo la qab qabtayna boolisku si xun u garaaceen.

Khilaafkan qamada midoobay iyo dawlada xag jirka ah ee Benjamin Netanyahu hogaamiyo ayaa halkii ugu adkaa gaadhay, ka dib markii Israel ay sheegtay in aanay waxba ka dhagaysan doonin qaramada midoobay.

Qorshaha ugu horeeya ayaa Israel ay ku mastaafurinaysaa boqolaal qaxootiga Eratariya dhalasho ahaan ka soo jeeda, kuwaas oo in badan oo ka mid ahi u diiwaan gashan yihiin qaramada midoobay laakiin Israel ay sheegtay inay khasab dalkeeda kaga saari doonto.