Wafti Somaliland ah oo Jabuuti Iyo Ethopia safaro ku maray kulamona la qaatay madaxda wadamadaasi.

Wefti uu hoggaaminayo Agaasimaha Guud ee baanka Dhexe JSL Mudane: Maxamed Qaasim Xuseen ayaa la kulmay Guddoomiyaha Baanka qaranka Itoobiya mudane: Mamo Mihretu, halkaas oo uu ku dhex-maray wada-hadal sidii loo xoojin laha iskaashiga xidhiidhka labada Bank ee JSL iyo Itoobiya.

Sidoo kale Agaasimaha guud ee Bank dhexe JSL ayaa kulan la Qaatay Guddoomiyaha Baanka dhexe ee Jabbuuti, mudane: Ahmed Osman iyo Agaasimaha guud ee banka dhexe ee Jabuuti Xasan Muuse waxayna ka wada hadleen wada-shaqaynta labada Baan, kuwaas oo muddo dheer xidhiidh iskaashi lahaa.

Agaasimaha guud ee baanka dhexe ee JSL, ayaa dhanka kale booqday safaaradda Jamhuuriyada Somaliland ee Itoobiya halkaas oo uu kula kulmay safiir Kuxigeenka Safarada JSL Mudane: Barkhad M Kaariye

Sidoo kale weftiga Agaasimaha guud Hogaaminayo Ayaa Booqday safaraadda Somaliland ee Djibouti , halkaas oo ay ku soo dhaweeyeen Safiirka JSL
Ambassador: Abdifataax Siciid.

-Xafiiska xidhiidhka dadweynaha iyo arrimaha dibedda ee Baanka dhexe JSL.