Shirka ururka Gobolleedka IGAD oo lagu qabtay Uganda islamrkaana uu shir guddoominayay madaxweynaha Jabbuuti ayaa warmurtiyeed ka soo baxay

Shirka ururka Gobolleedka IGAD oo lagu qabtay Uganda islamrkaana uu shir guddoominayay madaxweynaha Jabbuuti ayaa warmurtiyeed ka soo baxay lagu baaqay in la ilaaliyo mabaadi’ida muhiimka ah ee madaxbannaanida dhuleed, midnimo, iyo sharciyaddeed ee Dowladda Federaalka Soomaaliya; iyo sida ay laga maarmaanka u tahay in talaabooyinka la qaadayo ay u noqdaan kuwa ku dhisan mabaadi’idaasi, iyo in heshiis kasta uu ku yimaado ogolaanshaha Dowladda Soomaaliya. Goluhu waxa uu ugu baaqay Dowladda Itoobiya iyo Soomaaliya in ay dejiyaan xiisadda u dhexaysa islamarkaana ay wadahadal iyo wadaxaajood ku dhameeyaan.