Maalin uun ka dib markii sirdoonka Mareykanka uu ka digay awoodda Kooriyada Waqooyi ee gantaalladeeda, ayuu Senetka Mareykanka waxa uu meel mariyay cuna qabatayn baaxad leh oo lagu soo rogo dowladda Waqooyiga Kuuriya.
Guddoomiyaha guddiga arrimaha dibadda u qaabilsan Senetka Bob Corker, oo ka tirsan xisbiga Jamhuurig ayaa sheegay in ku dhawaad 10 sanno oo siyaasadda Maraykanka ee Kuuriyada Waqooyi ay aheyd mid guul dareystay, sidoo kalena waxa uu sheegay in cuna qabateyntan cusub wax badan tari doonto arrimaha milatariga ee Waqooyiga Kuuriya.
Golaha Amniga ee Qaramada Midoobeey ayaa todobaadkii hore waxay cambaareeyeen dawladda Waqooyiga Kuuriya oo tijaabisay gantaaladada riddada dheer, sidoo kalena waxay ku baaqeen in cunaqabateyn dhaqso u dhaqan gasha lagu soo rogo Waqooyiga Kuuriya.
96 xubnood, ayaa u codeeyay cuna qabateynta Kooriyada Waqooyi, iyadoo aysan jriin cid diiddey, taasina waxay imaneysaa maalmo uun kadib markii ay dawladda Kuuriyada Waqooyi ay tijaabisay gantaal riddo dheer.