Wefti Kulmiye ah oo soo dhoweyn diiran kala kulmay dadweynaha reer Awdal

Wefti uu hoggaaminayaan Madaxweyne-ku-xigeenka Cabiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil “Saylici” iyo Guddoomiyaha Kulmiye Muuse BIixi Cabdi oo safar ugu ambabaxay gobolka Awdal ayaa waxay soo dhoweyn diiran kala kulmeed dadweynaha reer Awdal.

Weftigan ayaa ujeedada socdaal la xidhiidha wacyigelinta diiwaangelinta codbixiyayaasha doorashooyinka Somaliland oo ka bilaabmaysa Gobolka Awdal maalinta Sabtida.

Weftigan ayaa waxay dadweyne aad u tiro badani ku soo dhoweeyeen degaanadda Gabiley, Dilla iyo Boorama.

Ka hor intii aanu weftigani gaadhi Borama ayaa waxa xaflad loogu qabtay Dilla taasi lagu taageeray xisbiga Kulmiye taasi oo ay ka soo qayb galeen dadweyne aad u tiro badan.

Maayarka Dilla Ibraahim Cabdi Xaaji oo tilmaan ka bixinayey soo dhawaynta iyo taageerada reer Dilla ayaa waxa uu yidhi:

“Soo dhawaynta reer Dilla shucuurtooda ayaad ka arkaysaan, shacabkeedu ilaa xalay may seexan oo ilaa saaka ayey taagnaayeen jacayl ay idiin hayaan dartii. Madaxweyne-ku-xigeen iyo Guddoomiye, shacabka reer Dilla weligood mucaarad may noqon, lagamana yaabo in ay noqdaan oo waxay u heellanyihiin taageerada xisbiga Kulmiye.”

Guddoomiyaha, ahna murrashaxa Madaxweynaha xisbiga Kulmiye Muuse Biixi Cabdi, ayaa dareen farxadeed kaga mahadceliyey taageerada uu kala kulmay reer Dilla, waxaanu yidhi:

“Waxaan aad idiinka mahadnaqayaa soo dhawaynta ballaadhan ee ay ka muuqato kalgacalka weliba meesha fog ka soo go’day ee dhallinyaro, waayeel, rag, dumar iyo carruur reer Dilla nagu soo dhaweeyeen, soo dhawaynta iyo kalgacalkuba wuu muuqdaa ee reer Dillow waad ku mahadsan tihiin.”

Sidoo kale, Madaxweyne-ku-xigeenka Somaliland, una tartamaya xilkaasi mar labaad xisbiga Kulmiye Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil “Saylici” ayaa isna soo dhawayntaasi ku tilmaamay mid walaaltinimo iyo waddaniyadi ka muuqato, isla markaana waxa uu ku wargeliyey dadweynaha reer Awdal in ujeeddada socdaalku tahay ka qaybqaadashada wacyigelinta diiwaangelinta codbixiyayaasha.

Waxa kaloo in xukuumaddu wado dadaal gurmad cunto iyo biyo wixii awoodeeda ah ay ku gaadhsiinayso dadka abaartu saamaysay ee gobollada Galbeed.
Intaasi kadib, weftiga oo socdaalkiisa sii watay waxa soo dhawayn iyo taageero ballaadhan ay kala kulameen degaannada u dhexeeya Dilla ilaa Boorama sida tuulada Tulli, Gorayo-cawl iyo meelo kale oo ay kaga hortageen boqolaal dadweyne ahi, iyadoo loo galbiyey gudaha magaalada Boorama oo markii dambe la isugu tagay fagaaraha Khayriyadda oo shacabka ku dhaqan ay kala hadleen madaxda heer gobol iyo degmo iyo masuuliyiinta weftiga.

Weftigan ayaa waxay maalinta beri ka qayb gali doonaan xafladda lagu daahfurayo diwaan-gelinta codbixiyayaasha oo sabtida ka bilaabmi doonta guud ahaan gobolka Awdal.

bandhige@gmail.com