War-saxaafadeed: Xarunta Xuquuqal Insaanku waxay canbaaraynaysaa xadhigga weriye Soo-fadhiiste iyo Suldaan Sabaysate

Xarunta Xuquuqal Insaanku waxay si adag u canbaaraynaysaa xadhigga wariye Maxamed Cabdilaahi Soo-fadhiiste, tafatiraha bogga interneetka ee Berbera Today islamarkaana ah wariye ka tirsan telefiiishanka Somali Cable. Maxamed waxa lagu xidhay 24kii Sibtambar 2015 Berbera ka dib markii uu sii daayey war ku saabsan buuq ay dad ku sameeyeen wasiirro ka qayb galay salaadii ciidda. Warbixinta uu weriyuhu sii daayey waxay ku saabsanayd qaylo ay dad ku sameeyeen wasiirro ka soo qaybgalay Ciidda oo ka hadlay arin muran ka taagan yahay oo ku saabsan wareejin la sheegay in lagu samaynayo Haamaha Shidaalka Berbera. Dawladda ayaa soo jeedisay inay ku wareejiso shirkado gaar loo leeyahay Haamaha Shidaalka.

Dhaqanka xadhigga weriyayaashu waa mid ku soo noq noqday Somaliland. Falalkaas oo xad gudub ku ah qodobka 32aad ee dastuurka oo damaanad qaaday madaxbanaanida saxaafadda.

Sidoo kale waxa 20kii September lagu xidhay Berbera weriye kale Cabdiraxmaan Maxamed Cige oo loo xidhay isla arin khuseeya Hamaha Shidaalka Berbera. Waxa la sii daayey 21kii bisha.

Suldaan Mawliid Cali Sabayste ayaa 17kii Sibtambar lagu xidhay Hargeysa ka dib markii uu dawladda ku canbaareeyey arrimo la xidhiidha Haamaha Shidaalka. Suldaanka waxa la xidhay iyada oo aanu jirin amar qabasho oo ka soo baxay Maxkamad.

Mar kasta oo weriyayaashu ka hadlaan arin la xidhiidha musuq maasuq ama maamulka hantida waxay u badan tahay in la xidho. Xaruntu waxay si adag u canbaaraynaysaa xadhiga weriyaha iyo suldaanka. Dawladdu waa inay joojisa cadaadiska saxaafadda. Waxannu ugu baaqaynaa dawladda Somaliland inay xorriyadooda u soo celiso weriye Maxamed Cabdilaahi Soo fadhiiste iyo Suldaan Mawliid Sabayste.

Guleid Ahmed Jama

Chairperson of Human Rights Centre

Email: dafac02@hotmail.com or hrcsomaliland@gmail.com

Website: www.hrcsomaliland.org