War-saxafadeed: Xarunta Xuquuqal Insaanku waxay codsanaysaa in laga la noqdo eedaha booliisku ku haysto Guuleed Axmed Jaamac

 

Booliiska Somaliland ayaa maanta waraysi la yeeshay gudoomiyaha Xarunta Xuquuqal Insaanka, Guuleed Axmed Jaamac, oo ay maxkamaddu ugu yeedhay si uu uga jawaabo suโ€™aalo kadib markii booliisku soo xareeyey dacwad ciqaab ah oo ka dhan Guuleed oo lagu haysto codsiyo (petition) lagu dalbanayo in dib-u-habayn lagu sameeyo booliiska.

Guuleed wuxuu Sabtidii siiyay waraysi wargeyska Sahan si uu ugu sharraxo codsigu wuxuu ku saabsan yahay. Tafatiraha wargeyska ayaa sidoo kale loo yeedhay.

Codsiga lagu haysto Guuleed ayaa ahaa mid lagu dalbaday โ€œinย dib-u-habayn (reform) lagu sameeyo booliiska Somaliland;ย in dacwadaha ka dhanka ah Booliiska ay qaadi karaan maxkamadaha caadiga ah ee dalka (civilian courts);ย in la abuuro qaab iyo xeerar lagula xisaabtamo Booliiska hadii uu gef sharci galo; iy in qaab dhismeedka Booliiska wax laga bedelo si uu u noqdo mid la jaan qaadi kara dastuurka JSL si loo dabar gooyo dhaqamadii laga dhaxlay dawladdii ciidanka ahayd ee Siyaad Barreโ€. Ilaa hada boqolaal qof ayaa saxeexay codsiga.

Xarunta Xuquuqal Insaanku waxaay ka codsnaysaa dawladda Somaliland inay ka noqoto eedaha ay ku soo oogtay Guuleed Axmed Jaamac.

 

Axmed Xuseen Cabdi

Af-hayeenka Xarunta Xuquuqal Insaanka

Hargeisa Somaliland

Email:ย media@hrcsomaliland.orgย orย chair@hrcsomaliland.org