Wasaaradda Beeraha ayaa guddoontay baabuur ay ku deeqday GIZ

Hargeysa (WHB) – Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Beeraha JSL Mudane Axmed Muumin Seed oo uu weheliyo Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Beeraha Mudane Rooble Cabdi Muuse, ayaa Hay’adda GIZ kala wareegay Saddex Gaadhi.

Gaadiidkan oo muhiim u ah Shaqada ay Wasaaradda Beeruhu Qaranka u hayso, ayaa loogu Talo-galay in lagaga shaqeeyo la dagaalanka Ayaxa iyo Hawlaha kale ee Wasaaraddu ka hayso Gobollada iyo degmooyinka Dalka.

Madaxa Xafiiska Badbaadada Beeraha ee Hay’adda GIZ Mr. Cabdiqani Ibraahim Gaas oo Wasiirka Beeraha ku wareejiyey saddexda Gaadhi oo dhammaantood ah kuwo cusub, ayaa sheegay in Gaadiidkani jawaab u yihiin Codsi Wasaaraddu u dirtay, sidaasi darteed ay ku faraxsan yihiin inay si deg-deg ah jawaab uga bixiso Codsigii uga yimid Wasaaradda Horumarinta Beeraha.

Waxa kale oo isaguna halkaa ka hadlay La Taliyaha Horumarinta Beeraha Iyo Calafka Xoolaha ee Hay’adda GIZ Mr. Aadan Iid Qulumbi, waxaanu sheegay inay Hay’ad ahaan ku faraxsan yihiin in gaadiidkani qayb laxaadle ka qaadan doonaan dedaallada Wasaaradda Beeraha.

Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Beeraha JSL Mudane Axmed Muumin Seed oo Gaadiidkaa ka guddoomay Hay’adda GIZ, ayaa sheegay inay Hay’adda uga Mahad-celinayaan inay si deg-deg ah uga soo jawaabtay Codsigii ay Wasaaraddu u dirtay, sidaasi darteedna ay Gaadiidkan lagu qaban doono shaqadii loogu Talo-galay, iyadoo lagu dedaalayo Daryeelkooda.

GIZ, ayaa ka mid ah Hay’adaha ay wada-shaqaynta dhow leeyihiin Wasaaradda Horumarinta Beeraha Jamhuuriyadda Somaliland.

Wasaaradda Horumarinta Beeraha