Wasaaradda Ciyaaraha iyo Dhallinyaradu waxay Hargeysa ka furtay kulan laba maalmood socon doona oo lagu gorfeynayo Siyaasadda Heer Qaran ee Dhallinyarada Somaliland

 

Waxa maanta Hargeysa ka bilaabmay shir lagu dhammaystirayo Siyaasadda Heer Qaran ee Dhallinyarada Somaliland. Kulankan oo laba maalmood soconaya wuxu isku keenay xubno metelayey dhallinyarada iyo daneeyeyaasha kale ee ay ka mid yihiin Qaramada Midoobay, hay’adaha caalamiga ah, ururrada bulshada rayidka ah, hay’adaha dawliga ah iyo ganacsato.

Shirkan oo ay soo qabanqaabisay Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha Somaliland wuxu gunaanad u yahay hawl socotay lix bilood oo ay taageereen IOM, UNFPA iyo Mercy Corps, taas oo dib loogu eegayey Siyaasaddii Hore ee Dhallinyarada oo ku ekeyd 2016 isla markaana lagu samaynayey mid cusub. Intii hawshu socotay, dhallinyarada ku dhaqan deegaannada Somaliland oo dhan wada-tashi ayaa lala sameeyey si loo dhagaysto aragtiyaha dhallinyarada ku nool deegaannada kala duwan.

Horumarinta dhallinyaradu ahmiyad sare ayay u leedahay Qarama da Midoobay, waanay naga go’antahay in aanu taageerno samaynta siyaasadd dhallinyarada dhammaystiran iyo in aanu Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha kala shaqayno fulinta siyaasaddan.

 

bandhige@gmail.com