Aniga iyo madaxda: Silsilad Ramadaani ah, Sheekh Berberaawi, Q.19aad, dhammaad

 

Sheekh Cabdillaahi Xasan Xaashi (Berberaawi) oo ka mid ah culimada waaweyn ee dalka wuxu xalqaddan 19aad ku soo gunaanaday silsilad Ramadaani ah oo dadweynuhu la socdeen intii lagu gudo jiray 20kii hore ee Ramadaan. Qaybtan maanta sheekhu wuxu uu ugu magac-daray “Aniga iyo madaxda.

Silsiladdani waxa ay ku saabsanayd arrimo door ah oo ay ka mid ahaayeen akhlaaqda qofka Muslimka ah; ha noqoto xidhiidhka uu Illaahay la leeyahay, Rasuulka SCW, samofalka waalidka, Qur’aanka iyo mowduucyo kale oo muhiim ah.

Sh. Cabdillaahi Xasan Xaashi (Berberaawi) waxa uu aqoontiisii heerka jaamacadeed ku soo qaatay waddanka Yemen, wuxuna hadda imaamka iyo khadiib ka yahay Masaajidka Ansaar oo ku yaalla Hargeysa. Waxa kale oo uu Sheekhu bare sare ka yahay kulliyadaha barashada Shareecada Islaamka ee jaamacadaha waddanka. Sidoo kale waxa uu masaajiddada Hargeysa ka dhigaa duruus xidhiidh ah oo ku saabsan cilmiga diinta, gaar ahaan xadiiska, caqiiqada iyo duruus kaleba.

Sheekh Berberaawi waxa uu dedaal xoog leh ku leeyahay baraarujinta bulshada ee dhinaca diinta, waxana uu muxaadarooyin joogto ah iyo waanooyin ku qabtaa gobollada iyo degmooyinka waddanka.

Bahda Bandhige waxay Sheekh Cabdillaahi Xasan “Berberaawi” ugu ducaynayaan in uu Ilaahay ka abaal-mariyo wacdigii qiimaha lahaa ee uu dadweynaha halkan uga gudbinayey labaatankii hore ee Ramadaan, waxay ugu ducaynayaa in cilmiga iyo cimrigaba Ilaahay u barakeeyo.

Halkan ka daawo gunaanadka silsiladda: