Wasaaradda Dhallinyarada Iyo Ciyaarahu waxay qabatay dood cilmiyeed ku saabsan caqabadaha haysta dhallinyaradda Somaliland

Wasaaradda Dhallinyarada, Ciyaaraha iyo Dalxiiska iyo Hay’addaha Shaqodoon iyo Mercy Corps ayaa si wada jir ah u qabtay dood cilmiyeed lagu falanqeeyay caqabadaha ku gedaaman guud ahaanba dhallinyarada dalka.

Dood cilmiyeedkan oo ka dhacay Dalxiis Hotel ayaa waxaa ka qeyb-galay masuuliyiin kala duwan, aqoonyahano, dhallinyaro, haween, iyo marti sharaf kale oo aad u tiro badan.

Ugu horeyn waxaa dooda furay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Dhallinyarada, Ciyaaraha iyo Dalxiiska Maxamed Xuseen Axmed (Dhabeeye), waxaanu uu ka waramay ujeedada doodan loo qabtay iyo muhiimada uu dhallinyarada u leeyahay

Hadaladisiina waxaa ka mid ahaa:

“Waxaan ku faraxsanahay in dood cilmiyeedkan ku saabsan caqabadaha hortaagan dhallinyarada Somaliland aynu ku kulano, waxaana ka wasaarad ahaan u mahad-celinaya cidkasta oo qabsoomida kulankan gacan ka gaysatay. Maaha kulankii ugu horeeyay ee ceynkan oo kale ah ee wasaarad ahaan aanu qabano mana noqon doono kii ugu dambeeyay, waa run maanta dhallinyaradeena waxaa jira caqabado hortaagan kuwaas oo saameyn ku yeesha, laakiin taas waxaa lagaga gudbi karaa inagoo si wada jir ah dedaal ula nimaadna.”

Waxaa isaga oo hadalkiisi sii wata uu yidhi:

“Somaliland tirada ugu badani waa dhallinyaro, iyada oo ay sidaas tahay oo ay ahayd inay dalkooda aaminaan oo meel u dhaantaa aanay jirin ayey haddana ka cararayaan oo ay ka tahriibayaan oo ay badahaas ku dhamaadeen, waxaynu doonaynaa in doodan aynu kaga hadalno arrimahaas iyo dhibaatooyinka kale ee balwadaha iyo shaqo la’aan dhallinyarteena haysata looga bixi lahaa. Xukuumadda talada haysaa waxay door muhiim ah ka qaadatay hor-u-marinta dhallinyarada oo taladii dalka ka qeyb-gelisay, oo ciyaarihii ayay kor u qaaday, laakiin hadana caqabado uun baa jira waana ta aynu rabno inaynu ku falanqayno halkan.”

Waxaa iyaguna halkaasi ka hadlay masuuliyiin ka socday hay’addaha Shaqodoon iyo Mercy Corps, waxaana ay si wada jir ah uga hadleen faa’idada kulamada ceynkan ahi u leeyahay dhallinyarada Somaliland, waxaana ay hoosta ka xariiqeen inay muhiim ay tahay inay dhallinyaradu ogaato caqabadaha saamaynta ku ah ee ka hor-taagaan inay hor-u-mar ku talaabsadaan.

Masuuliyiinta dood cilmiyeedkan ka soo qeyb-galay oo kala ahaa Wasiir ku xigeenka wasaaradda shaqada iyo arrimaha bulshadda Cabdiwaaxid Cabdiqaadir Cabdiraxmaan, Wasiir ku xigeenka wasaaradda Warfaafinta Dhaqanka iyo Wacyi-gelinta Shugri Xariir Ismaaciilka, Agaasimaha guud ee wasaaradda Cadaaladda Khadar Axmed Diiriye, Agaasimaha ururka haweenka Nagaad Nafiisa Yuusuf Maxamed ayaa si wada jir ah wasaaradda ciyaaraha iyo cidkasta oo gacan ka gaysatay qabsoomida doodan ku boggaadiyey, waxaanay xuseen in caqabadaha dhallinyarada hor-taagan lagaga bixi karo dedaal ay la yimaadaan dhallinyaradu iyo iyada la iskaashado.

Intii uu socday dood cilmiyeedkani ayaa waxaa fikrado iyo arragtiyo is weydaarsanayay ka qeyb- galayaasha dood cilmiyeedka, waxaana ay si heer sarre ah uga jawaabayeen su’aalo ku saabsan fikradahooda ay ka qabaan caqabadaha hor-taagan dhallinyarada Somaliland, iyagoo dhammaantood siyaabo kala duwan u xusay isla markaana tilmaamay iskuna waafaqay inay diyaar u yihiin sidii ay doorkooda uga qaadan lahaayeen sidii looga gudbi lahaa caqabadaha hortaagan dhallinyarada dalka.

Ugu dambeyntii dood cilmiyeedkan ayaa waxaa soo afmeeray wasiir-xigeenka wasaaradda Dhallinyarada, Ciyaaraha iyo Dalxiiska Yuusuf Cismaan Garas, waxaanu yidhi:

“waxaan soo dhaweeanayaa kulamada ceynkan oo kale ah, in ay dhallinyaraddu isku yimaadaa waayo waa cududdii dalka, tani waa tii midaynaysay cududoodda. waxaan kaloo dhallinyaradda ugu baaqayaa in ay aragti midaysan ka yeeshaan dhibaatooyinka ku gadaaman nolashooda.”

kulanka ayaa ah kulamada tira yar ee lagu arrinsanayo dhibaatooyinka dhallinyarada ku gadaaman, iyadoo dhallinyaro badani ku qul-qulayaan dhinaca Yurub oo iyaduna joojisay in qaabilida dadka magangalyo doonka oo sannadka tiradadooda sare u kacday.

bandhige@gmail.com