Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaruhu waxay kulan ku saabsan caqabadaha caafimaadka dhallinyarada u qabatay dhallinyarada Gobolka Hawd

 

Wasaarada Dhallinyarada iyo Ciyaaraha ayaa waxay kulan u qabatay dhallinyarada Gobolka Hawd, kulankan ayaa waxay kasoo qayb dhallinyarada Gobolka iyo maamulka gobolka.

Kulankan oo laba cisho socday waxa lagu lafo gurayey guud ahaanba caqabadaha dhallinyarada iyo sidii ay uga fogaan lahaayeen. ugu horeyn waxa kulanka ka hadlay Agaaisamaha Waaxda Dhallinyarada ee Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha waxaanu faahfaahiyey ujeedada kulan lagu lafagurayey caqabadaha dhallinyarada Somalialnd, gaar ahaan dhallinta Gobolka Hawd.

Sidoo kale waxa kulanka ka hadlay Isuduwaha Gobolka Hawd ee Wasaarada Dhallinyarada iyo Ciyaaraha Iid Ciise Jaamac oo ka warbixiyey baahiyaha dhallinyarada Gobolka hawd.

Tababarkan ayaa waxa iska kaashaday Wasaarada Dhallinyarada Ciyaaraha iyo Ha’yada Qaramada Midoobay ee UNFPA.

Wasaarada Dhallinyarada iyo Ciyaaraha ayaa waxay guud ahaan kulamadan u qaban doontaa dhallinyarada Somaliland taasi oo wasaaraddu ku lafo guri doonta xaaladaha dhallinyarada Somaliland.

bandhige@gmail.com