Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaruhu waxay kulan ku saabsan siday dhallinyarada uga qayb qaadan lahaayeen Arrimaha Bulshada u qabatay dhallinyarada Wajaale

 

Wasaarada Dhallinyarada iyo Ciyaaraha ayaa waxay kulan u qabatay dhallinyarada magaalada Wajaale, kulankan ayaa waxay kasoo qayb dhallinyarada Wajaale.

Kulankan oo hal maalint socday waxa lagu lafo gurayey guud ahaanba caqabadaha dhallinyarada iyo sidii ay dhallinyarada hormuud uga noqon lahaayeen hormarka bulshada. ugu horeyn waxa kulanka ka hadlay Agaaisamaha Waaxda Dhallinyarada ee Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha Maxamed Xasan Cabdi waxaanu faahfaahiyey ujeedada kulan lagu lafagurayey caqabadaha dhallinyarada Somalialnd, gaar ahaan dhallinta Wajaale.

Tababarkan ayaa waxa iska kaashaday Wasaarada Dhallinyarada Ciyaaraha iyo Ha’yada Qaramada Midoobay ee UNFPA.

Wasaarada Dhallinyarada iyo Ciyaaraha ayaa waxay guud ahaan kulamadan u qaban doontaa dhallinyarada Somaliland taasi oo wasaaraddu ku lafo guri doonta xaaladaha dhallinyarada Somaliland iyo sidii ay hormuud uga noqon lahaayeen hormarka bulshada.

bandhige@gmail.com