maxaa ay iskaga mid yihiin madaxweyne Muuse Biixi Iyo Alpha Condรฉ (WQ: Eng. Abdihakim Elmi)

madaxweyne muuse ayaa booqasho ku tagey dalka Guinea ๐Ÿ‡ฌ๐Ÿ‡ณ ee galbeedka africa, maxaa ay iskaga mid yihiin madaxweynaha dalkaas.

Guinea iyo madaxweynahooda.

dalkan guinea oo ku yaala galbeedka afrika ayaa waxa uu xornimada ka qaatay dalka france.

caasimada dalkan waxa la yidhaa conakry.

dadka ku nool dalkan ayaa lagu qiyaasaa 12 Million.

dalkan ayaan xidhiidh badan oo diblomaasiyadeed la lahayn dalalka geeska afrika.

madaxweynaha dalkani waa Alpha Condรฉ oo dhashay 4 March 1938,

waxa uu ahaa gudoomiyihii midawga africa ee 2017-2018.

wuxuu nolashiisa inta badan kusoo qaatay mucaaradnimo uu kaga soo horjeeday dawladihii kala danbeeyey ee Guinea isagoo laba goor oo kala ah 1993 iyo 1998 u tartamay kursiga madaxweyne oo waayey.

wuxuu talada ku guulaystay markii koowaad sanadkii 2010 doorasho muran ka dhacay iyadoo mar kalena 2015 doorasho kale oo dhacday uu ku guulaystay iyadoo ku shubasho iyo is daba marin badan oo dhacday ay sababtay in xisbigii u weynaa mucaaradku diiday natiijadii.

madaxweynahan guinea oo ah dalka uu booqanayo madaxweyne muuse ayaa markuu tartankii ololaha ku jiray wuxuu ku ololeeyey inuu xoojinayo dimuqraadiyada guinea iyo inuu la dagaalamayo musuqmaasuqa hase ahaate waxa isaga iyo wiilkiisa lagu eedeeyey inay gacmaha kula jiraan fadeexado baahsan oo musuqmaasuq oo la xidhiidha macdanta oo dalkaasi qani ku yahay iyo tacadiyo loo gaysto dadka siyaasad ahaan diidan .

shirkad la yidhaahdo sable mining oo macdanta ka shaqaysata oo lacag badan ku bixisay doorashadii madaxweyninimo ee dalkan uu booqanayo mujaahid muuse ayaa waxa ay laaluush badan siisay sidoo kalena helicopter u iibisay wiilka uu dhalay madaxweynaha ginni si wiilka madaxweynahu dhalay ugu ilaaliyo goobaha ay macdanta ka gurtaan inaan laga taaban.

Dalkan guinea ayaa ah dal ka mid kuwa u qanisan Africa iyagoo caan ku ah macdanta hase ahaatee dadkiisu waa kuwa ugu faqiirsan galbeedka africa sababta oo ah waxoodii oo ย loo xidhay shirkado awood ka haysta qasriga.

dalkan Guinea sanadkii 2014 ayaa waxa uu ahaa dalalkii u horeeyey ee uu ka dilaacay cudurka ebola kaas oo ku laayay dad badan ka dibna ku faafay wadamada ย Liberia iyo Sierra Leone, halkaasna mudada weftigeenu joogo digtooni bay u baahan tahay waa halise maadaamo cudurkani dhawaan dib u dilaacay.

Haddaba madaxweyne muuse muxuu ka matalayaa madaxweynahan uu booqanayo dalkiisa?

1: madaxweyne muuse ayaa ka matalaya madaxweynaha ginni dhinaca inuu dhamaan mucaarad kusoo ahaa dawladihii kale danbeeyey ee dalka soo maray ilaa dawladii kala shaqaysay inuu kursiga gaadho oo taageerayaashiisii xilligaas oo ah heegada hadda ay ku tuureen shaani.

2- doorashadii uu kusoo baxay madaxweyne muuse oo uu ka dhashay muran badan oo sababay in dad innagaga baxaan, ilaa aakhirkii xisbigii u weynaa mucaaradku tanaasulay si la mid ah madaxweynaha uu dalkiisa booqanayo.

3- madaxweyne muuse oo olalihii ku galay inuu wax ka qaban doono musuqa ayaanay jirin ilaa hadda wax muuqda oo uu ka qabtay inuu sii kordho mooyee,(silent corruption) iyadoo arrimo ganacsi looga faaidaystay awoodii si la mid ah sida wiilka uu dhalay madaxweynaha dalka ginni.

4- ย madaxweyne muuse oo ololihiisi doorashada mid ka mid ah shirkadihii maalgaliyey dhawaan siiyey qandaraas lagu soo iibinayey qalab lagu shaybaadhayo waxyaabaha dekeda soo mara sida hctv sheegay, sidoo kalena u sii ilaaliyey inaan laga taaban kootadii u xidhnayd si la mid ah madaxweynaha uu dalkiisa booqanayo oo shirkadii ololihiisii taageertay u ilaaliyey inaan laga taaban mashruuceeda macdanta.

5- madaxweyne muuse oo ku ololeeyey xoojinta dimuqraadiyada ayaa ku guuldaraystay iyadoo intii uu joogay xoriyadda hadalku gaadhay halkii u hoosaysay, sidoo kale wuxuu ku dhacay in dalka doorasho barlamaan ka dhacdo sida muuqata iyadoo ay sababayso madaxweynihii oo wada shaqayntii ka jeclaaday ila muran.

 

soo noqo adoo nabad ah mujaahid.