Wasaaradda Dhallinyaradu waxay qabatay shirka saddex-biloodlaha ah ee isku-duwidda hawlaha dhallinyarada

 

Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha ee Somaliland ayaa maanta hudheelka Ambassador ee Hargeysa ka bilowday shirka saddex-biloodlaha ah ee isku-duwidda hawlaha dhallinyarada.

Wasiirka Wasaaradda Dhallinyarada Cabdirisaaq Waaberi, Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Maxamed Xusee Dhabbeeye iyo Agaasimaha Waaxda Dhallinyarada Maxamed Xasan Cabdi ayaa ka hadlay ujeeddooyinka iyo muhiimadda shirka, waxayna ku tilmaameen mid lagu qiimayno arrimihii dhallinyarada u qabsoomay saddexdii bilood ee la soo dhaafay iyo waxa qorshaysan in la qabto bilaha soo socda.

Waxa shirka ka soo qayb galay urrurro door ah oo metelayey dhallinyarada Somaliland iyo ugu ugu 8 hay’adood oo ka tirsan Qaramada Midoobay iyo xayn kale oo ka tirsan bahda ururrada caalamiga ah ee wax ka qabta arrimaha dhallinyarada kuwaas oo ka soo kicitimay Nayroobi.

Waxa sidoo kale markii koowaad wasaaradda kala soo qayb-galay shirka xubno ka socday ganacsatada Somaliland sida baanka cusub ee Primier.