Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka Jamhuuriyadda Somaliland ayaa maanta kulan la qaadatay Cisbitaalada gaarka loo leeyahay ee Dalka.
Ujeedada Martiqaadkan oo ahaa kulanka wada-shaqaynta iyo Iskaashiga adeega kala korinta ubadka {child spacing } ee Cisbitaalada gaarka loo leeyahay ee dalka ayaa waxaa kasoo qayb-gelay Masuuliyiinta Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka gaar ahaan waaxda Caafimaadka Bulshadda, Masuuliyiin ka socday Haayadda UNFPA iyo qaar ka mid ah Cusbitaalada gaar loo leeyahay ee dalka oo kala ahaa.
1 Gargaar hospital Hargeisa 1
2 Kaah Hospital Hargeisa 1
3 Edna Hospital Hargeisa 1
4 International Hospital Hargeisa 1
5 Al amaan Hospital Burco 1
6 Dr Xawa Hospital Burco 1
7 Aye Hospital Borama 1
8 Al hayaat Hospital Borama 1
9 Manhal Hospital Erigavo 1
10 Xayaad Hospital Lasโano 1
Kulankan ayaa lagu gorfeeyay sidii looga wada shaqayn lahaa layskagana kaashan lahaa adeega kala korinta ubadka (child spacing) ugu dambayn kulanka ayaa kusoo gaba-gaboobay guul iyo is-afgarad iyo in kor loosii qaado wada shaqaynta Wanaagsan ee ka dhaxaysa Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka iyo Cusbitaalada gaar loo leeyahay Wasaaradduna Hormuud ugu ahaato hawlaha iyo arimaha Caafimaad ee Bulshadda loogu adeegayo.
Wa-bilaahi Tawfiiq
Abdishakour Mahamed Dirie
Warbaahinta ee Wasaaradda
Horumarinta Caafimaadka JSL.