Wasaaradda Horumarinta Maaliyadda oo Bilawday Dardargalinta Ururinta Cashuuraha

Ugu horreyn, waxay wasaaradda Horumarinta Maaliyaddu uga mahadcelinaysaa dhammaan shacab-weynaha reer Somaliland sida hagar-la’aanta ah ee ay uga qayb qaataan guud ahaan horumarinta dalka iyo gaar ahaan bixinta cashuurta.

Ahmiyad weyn ayay cashuurtu u leedahay horumarinta qaranka waayo waxay dawladda u tahay il-dakhli oo u suuro-galisa xaqiijinta mashaariicaha horumarineed iyo fulinta adeegyada bulshada haddii ay tahay sugidda amniga, tayeynta waxbarashada, caafimaadka , bixinta mushaharaadka ciidanka ku hawlan difaaca qaranka ,shaqaalaha-weynaha dawladda iyo kobcinta dhaqaalaha.

Hadaba, wasaaradda Horumarinta Maaliyadu waxay ku wargelinaysaa dadweynaha in la bilaabay dardargalinta cashuuraha macaashal-macaashka ganacsiga, macaashal-macaashka kirada daaraha, macaashal-macaashka mushaharka shaqaalaha iyo cashuurta iibka adeegyada kala duwan, gaar ahaan isgaadhsiinta iyo korontada sida uu jidaynayo xeerka dakhliga Lr. 72/2016.

Waxa xusid mudan in Cashuurta Adeeggu aanay ku koobnayn uun Somaliland balse ay dalalka adduunka oo dhan isticmalaan. Tusaale ahaan, wadamadda jaarka, Itoobiya waa 15%, Yuugaandha 12%, Kiiniya 10%, Somaliland-na waa 5% kaliya.

Ugu danbayn, Wasaaradda Horumarinta Maaliyaddu waxay ku adkaynaysaa muwaadinka ahmiyadda sharci ee ay leedahay fulinta farrintan.

Bandhige@gmail.com