Wasaaradda Qorshaynta iyo horumarinta Qaranka JSL, ayaa ku wareejiyey wasaaradda iyo hay’addaha dawladda buuga Qorshaha horumarinta Qaranka ee sadexaad (NDPIII) si loo bilaabo fulintiisa.

Wasaaradda Qorshaynta iyo horumarinta Qaranka JSL, ayaa ku wareejiyey wasaaradda iyo hay’addaha dawladda buuga Qorshaha horumarinta Qaranka ee sadexaad (NDPIII) si loo bilaabo fulintiisa.

Munaasibada wareejinta buugani oo ka qabsoontay xarunta wasaaradda waxaa ka soo qayb galay agaasimayaasha waaxaha qorshaynta ee wasaaradaha iyo hay’adaha dawlada, waxaana si rasmi ah ugu wareejiyey masuuliyiinta ka socotay wasaaradaha iyo hay’addaha dawlada agaasimaha Waaxda Qorshaynta ee WQHQ Mudane Cabdillaahi Axmed Xirsi.

Qorshaha horumarinta Qaranku (NDPIII) Waa mid ka tarjumaya ahmiyadaha Xukuumadda ee salka ku haysa, himilada qaranka ee 2030-ka oo si cad u qeexaya sidii looga bixi lahaa caqabadaha dhismaha dawladnimo ee aan wajaheyno Qaran ahaan.

Si looga gudbo caqabadaha nololeed ee waddanka waxaa uu Qorshaha Horumarinta Qaranku, kor u qaadayaa hormarinta dhaqaalaha, horumarinta Kaabayaasha dhaqaalaha, maamul wanaaga, horumarinta bulshada, ilaalinta deegaanka iyo in la helo sinaan iyo cadaalad.