Wasaaradda shaqo Gelinta Arrimaha Bulshada iyo Qoyska Jsl ayaa maanta soo qaban qaabisay xuska maalinta caalamiga ah ee ka hortaga gudniinka gabdhaha

Wasaaradda shaqo Gelinta Arrimaha Bulshada iyo Qoyska jamhuuriyada Soomaliland ayaa maanta soo qaban qaabisay xuska maalinta caalamiga ah ee ka hortaga gudniinka hablaha.

Xuskan ayaa Waxaa kasoo qayb galay xubno kamid ah golaha wasiirada Soomaliland oo ay ugu horreeyaan wasiirka wasaaradda dhalinyaradda iyo ciyaaraha, wasiirka diinta iyo awqaafta, wasiirka xidhiidhka golayaasha iyo Arrimaha dastuurka, Wasiir ku xigeenka wasaaradda waxbarashada, Gudoomiye ku xigeenka haayada xuquuqul insaanka qaranka iyo madax kale iyo Xubno kamid ah hay’adaha caalamiga ah iyo kuwa maxaliga ah.