Wasaaradda Waxbarashada iyo Sayniska JSL ayaa daahfurtay barnaamijka ololaha (WAX BAR HAL QOF)

(WAX BAR HAL QOF)
Wasaaradda Waxbarashada iyo Sayniska JSL ayaa daahfurtay barnaamijka ololaha farbarashada iyo xisaabaadka oo ay ka wadashaqayn doonaan W.W&S iyo jaamacadaha dalku.
Xaflada furitaanka oo lagu qabtay hoolka shirarka ee W.W&S ayaa waxa kasoo qayb galay wasiir ku xigeenka W.W&S qaar kamida jaamacadaha dalka iyo ardaydii hore uga aflaxday barnaamijkan.
Ugu horayn barnaamijkan ayaa waxa sharaxday agaasimaha waaxda waxbarashada dadban Sucaad Maxamed Cabdi oo ku dheeraatay muhiimada uu leeyahay barnaamijkan iyo sida ay uga go,antay wasaaradda in bulshada la gaadhsiiyo adeega waxbarashada.
Geestooda waxaa halkaasi ka hadlay ardaydii waxbarashadan loo bilaabay oo maanta meel heerkeedu sarayso marayo, qaar kamida madaxda jaamacadaha dalka oo iyagu sheegay inay dhankooda wasaaradda kala shaqayn doonaan barnaamijkan kor loogu qaadayo waxbarashada dadka aan fursadaha waxbarasahada helin.
Ugu danbayn Wasiir ku xigeenka W.W&S ayaa si rasmiya u furay barnaamijkaasi kana waramy muhiimada wasaaradu siinayso ololaha horumarinta farbarashada iyo xisaabaadka iyo in la gaadhsiiyo qof kasta oo reer Somaliland ah fursad ay wax ku bartaan.