Wasiirka Wasaarada Gaadiidka Iyo horumarinta Jidadka Md. Cabdirisaaq Ibraahin Maxamed iyo Gudoomiyaha Hay’adda Caymiska Qaranka Md. Guuleed Muuse Galaal, Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Gaadiidka Md Muuse Jaamac Maxamed iyo Agaasime Waaxeedyo ka kala socday Hay’adda iyo Wasaaraddaasi ayaa kulan la yeeshay guddida sare ee dallada HORSEED oo ay ku bahaysanyihiin shirkadaha gaadiidlayda u kala goosha magaalooyinka iyo gobolada dalka.

Kulankan oo ka qabsoomay xafiiska Wasiirka WGHJ ayaa u jeedadiisu ahayd sidii kor loogu qaadi lahaa wacyiga gaadiidlayda dalka maadaama oo xeerkii Caymisku dhawaana soo baxayo.

Ugu horayn Wasiirka ayaa shirka furay una sheegay gaadiidlayda inay ka faa’iidaysataan caymiska.

Dhanka kale Gudoomiyaha Hay’addaasi ayaa uga mahad celiyey gaadiidlayda soo ajiibitaanka ay soo ajiibeen kulanka waxa kaloo uu faah-faahin ka siiyey habka iyo qaabka uu u shaqayn doono caymiska islaamiga ah ee dalkeena laga hirgaliyey, isaga oo ku dheeraaday sharaxaad badana ka bixiyey.

Dhankooda guddida gaadiidlayda ayaa soo dhaweeyey caymiska wax badana ka ogaaday habka uu ushaqayn doono.
Ugu danbentii waxaa laysla gartay in kulankani ibbo fur u yahay wada shaqaynta ka dhexayndoonta Hay’adda Caymiska iyo Shirkadaha ay ka kooban tahay dallada gaadiidlayda ee horseed.