Wasaaradda waxbarashada iyo Sayniska Somaliland iyo hay’adda shaqaalaha dawladda ayaa si wada jir ah u shaaciyay in 5,221 oo Shaqaale ku meel gaadh ah

Wasaaradda waxbarashada iyo Sayniska Somaliland iyo hay’adda shaqaalaha dawladda ayaa si wada jir ah u shaaciyay in 5,221 oo Shaqaale ku meel gaadh ahi ay gali doonaan imtixaanka, isla markaana la doonayo inay soo gudbaan 600 shaqaale, isla markaana shaqaale rasmiyana loo qaadan doono.
Shaqaalaha imtixanka gali doona waxaa macalimiin ah, 4,859 halka 362, ay noqon doonaan shaqaalaha xarumaha wasaaradda waxbarashada dalka.
Guddoomiyaha hay’adda shaqaalaha dowladda JSL, Mudane Khaalid Jaamac qodax, ayaa ka hadlay shuruudaha iyo nidaamka loo qaadanaayo shaqaalahan, isugu jira barayaasha dugsiyada dawladda iyo shaqaalaha goobaha waxbarashada waxbarashada ka hawlgali doona, waxaanu ku adkeeyay inay soo dhammeystiran wixii shuruudo ah ku xidhan gelista imtixaanka.
Wasiirka wasaaradda waxbarashada iyo sayniska JSL Mudane Axmed Maxamed Diiriye (Toorno), ayaa sheegay in shaqaalahaasi ay ahaayeen kuwii ku meel-gaadhka ahaa, waxaanu xusay in dagmooyinka loo qaybin doono.
Wasiirku waxaa uu meel adag ka istaagay inaan xarumaha iyo goobaha waxbarashadu, aanay qaadan karin shaqaale ku meelgaadha, waxaanu sheegay la fulinaayo wareegtadii madaxwaynaha somaliland, uu soo saaray.