Sarkaal u hadlay Ciidanka nabadgelyadda waddooyinka Somaliland ayaa sheegay in lacag dhan laba kun boqol iyo labaatan dollar iyo toban riyaal oo Itoobiyaan ah, ay ku wareejiyeen ehelada marxuun ku geeriyooday shil gaadhi.
Sidoo kale sarkaalka ciidanka nabadgelyadu, waxa uu intaas ku daray in Marxuumka geeriyooday uu ka mid ahaa ganacsatada reer Somaliland sodonkii sano ee u danbeeyay, waxaanu xuseen in gaadhigiisu xafiis u ahaa, waxaanu mar kale ehelada marxuumka ku wareejiyay dhammaan falalkii iyo waraaqihii laga ay ka soo saareen gaadhigiisa.
Geesta kale waxa ay ciidamada nabadgelyadu bulshada ugu baaqay marka ay galayaan safarada in aanay qaadan hantidooda iyo wixii mihiima, ee ay dhigaan meeshi ay ku xafidi karaan, maadama dadku geeri suga yihiin.
Gaba-gabadii waxa ay sheegeen ciidanka nabadgelyadda Somaliland in ay gacanta ku hayaan sababta keentay shilka uu ku geeriyooday Marxuumku.