Madaxweyne ku xigeenka JSL, ayaa ka qaybgalay qalinjabinta ardayda Jaamacada Golis.

Madaxweyne ku xigeenka JSL, ayaa ka qaybgalay qalinjabinta ardayda Jaamacada Golis.
Madaxweyne ku xigeenka JSL Mudane Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil (Saylici), ayaa ka qayb galay dufcadii 34-aad ee ka qalinjabisa jaamacada Golis, waxaanu Hambalyo iyo boggaadin u diray aradayda qalin-jebisay, oo ku boggaadiyay sida fiican ee ay uguteen waajibaadkii kobcinta aqoonta.
Sidoo kale waxa munaasibada qalinjabinta jaamacada Golis ka qaybgalay wasiiro, xildhibaano, waalidiin iyo marti sharaf kale.
Guddoomiyaha jaamacada Golis qaybteeda Hargeysa Mudane Siciid Maxamed Axmed, ayaa sheegay in 1,183 ardayda oo dhammeystay kuuliyadaha kala duwan ee Jaamacadu ay maanta ka qalinjabiyeen, waxaanu intaas ku daray in dhammaan gobollada dalka ay xarumo ku leedahay jaamacadu, qorshahoodu yahay inay u tallaaban dalalka Geeska iyo bariga Afrika.
Gaba-gabadii madaxweyne ku xigeenka iyo masuuliyiintii kale ka soo qaybgalay xaflada qalinjabinta Jaamacada Golis ayaa shahaadooyinkii ay mutaysteen guddoonsiiyay ardayda.