Xubno badan oo ka mid ah dadka xuquuqda aadamiga u ololeeya iyo ururo ka shaqeeya wada noolaan shaha bulshada ayaa dibad baxyo ay ku taageerayaan ardayda muslimiinta ka sameeyay magaalooyin kala duwan oo ku yaala dalka Faransiiska.

Xubno badan oo ka mid ah dadka xuquuqda aadamiga u ololeeya iyo ururo ka shaqeeya wada noolaan shaha bulshada ayaa dibad baxyo ay ku taageerayaan ardayda muslimiinta ka sameeyay magaalooyin kala duwan oo ku yaala dalka Faransiiska.

Dibad baxyadan ayaa ka danbeeyay sharci dhawaan xukuumada Faransiisku soo saartay oo xakamaynaya ardayda Muslimiinta ah ee wax ka barta dugsiyada dalkaas, taas oo madaxweynaha dalkaasi uu sheegay in xoog lagu fulin doono sharcigaas.

Sharcigan ayaa mamnuucaya toobabka iyo cabaayadaha ay hablaha Islaamku ku labistaan, waxa kale oo uu diidaya in khamiisyo iyo koofiyado ay inamadu iskuulka ku iman karaan. Warbaahinta ayaa sheegtay in sanad dugsiyeedkii dalkaasi uu bilaabmay 24-saacadood ka hor, taasina ay sababtay in boqolaal l ardayda muslimiinta ah ee wax ka bartay dugsiyada dawlada ay iska dhego tiraan amarka madaxweyne Emanuel Macron.

12-milyan oo arday ayaa u dareeray sanad dugsiyeedka waxbarasho laakiin waxay caqabadi haysata ardayda muslimiinta ah oo la soocay dhigooda kale ee ay wax ka wada bartaan dugsiyada dalka Faransiiska.

Sharcigan takooraya ardayda Muslimiinta waxa si adag uga hadlay Madaxweyne Macron oo amar macalimiinta dalkiisa ku siiyay inay dibada waxbarashada uga saaraan ardayga aan u hogaansamin.

Madaxweynaha Faransiiska oo aad loogu dhaliilo Islaam nacayb ayaa ku dhiiraay inuu goโ€™aankan qaato, xili iskuulada dalkaas loo ogolaaday ardayda qoysaska dadka is qaawiya ka soo jeeda oo in dhar laโ€™aan dadka lagu dhex socdo xoriyad u haysta.