Golaha degaanka ee degmada Caynaba ayaa waxa xarunta degmadaas uga furmay kal-fadhigoodii 7-aad, kaas oo ay kaga doodi doonaan arrimo kala duwan oo la xidhiidha horumarka degmadaas.

Golaha degaanka ee degmada Caynaba ayaa waxa xarunta degmadaas uga furmay kal-fadhigoodii 7-aad, kaas oo ay kaga doodi doonaan arrimo kala duwan oo la xidhiidha horumarka degmadaas.

Kal-adhigaas ayaa waxa inta xoogga lagu saari-doonaa ansixinta miisaaniyada golahaas iyo qorshaynta shaqooyinka ay golahaas ka qaban doonaan degmadaas.

Maayarka degmada Caynaba Xasan Yuusuf Aadan ayaa sheegay in kal-fadhigan 7-aad lagu ansixin doono miisaaniyadda ay golahaasi ku shaqayn doonaan ee 2024, dib u habaynta shaqaalaha dawlada hoose ee degmadaas iyo qodobo kale.

Xasan Yuusuf Aadan maayarka degmada Caynaba waxa kale oo uu sheegay in kal-fadhigaas 7-aad arrimaha lagu soo qaadi doono ay ka mid yahay sidii loo garab-istaagi lahaa ciidanka qaranka Somaliland, maadaama oo ay xaalado dhanka nabad-gelyada ahi ay ka jiraan gobolka Sool.

Inta kal-fadhigaasi socdo waxa kale oo la iskula eegi doonaa qorshihii sannadkii hore iyo dar-dar-gelinta maashiicihii ku jiray, kuwaas oo ay ka mid yihiin dhismaha fagaaraha khayriyada magaalada Caynaba iyo dhismeyaasha saldhigyo boolis oo cusub.