Wasiir Faratoon Oo Sheegay Inay Jiraan Dalal Xiisaynaya Wada Hadalada Somaliland Iyo Soomaaliya

Xukuumadda Somaliland ayaa ka hadashay dalal xiisaynaya wada hadalada Somaliland iyo Soomaaliya.

 

Wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliland Prof:Yaasiin Xaaji Maxamuud Xiir (Faratoon), oo u waramay Wargeyska Geeska Afrika ayaa ugu horeyn isagoo ka hadlay 18 may ayaa yidhi “Hambalyo ayaan u dirayaa guud ahaan Shacabka reer Somaliland meel kasta oo ay kaga nool yihiin daafaha dunida, waxaana ku hambalyeynayaa sannad guuradeena 29aad ee ka soo wareegtay markii aynu qarankeena dhisanay, intaas aynu jirnayna waxaynu gaadhnay horumar dhinac kasta leh, waxaana sannadkan sannadkiisa inoogu ducaynayaa horumar, aqoonsi iyo inaynu ka midho dhalino qadiyadeena ictiraaf raadinta, taas oo insha allaah aynu heli doono”.

 

Mar aanu wax ka weydiinay wada hadalada Somaliya xiilo Dalalka qaar ay rabaan in la wada hadlo, gaar ahaan Itoobiya iyo Markeyanka ayaa yidhi “Dabcan wey jiraan Wadamo doonaya inaynu wada hadalno Somaliya, oo aynu iskugu nimaadno miiska wada hadalada, laakiin Madaxweynaheena Jamhuuriyada Somaliland Muddane Muuse Biixi Cabdi ayaa xuskii munaasibada 18 may aritan iyo arimo kaleba kaga hadlay, run ahaana Madaxweynuhu xaqiiqada ayuu taabtay, waxaa xaqiiqo ah in Maamulka Muqdisho oo jahaweerar siyaasadeed ku jira inay iska indho tirayaan xaqiiqooyinka jira, waxaana xaqiiqo ah inay Somaliland tahay dal madax banaan, oo ku yaala Geeska Afrika, waliba xoriyada ka hor qaatay Somaliya, waxaa ka taliya Madaxweyne la doortay, waxaynu nahay Dal, Dawlad iyo Dad isku tashaday, mar walba rabitaankeena ayeynu ku soconaynaa, cid walbana inaynu qancino ayeynu diyaar u nahay, ee Qaramada Midoobay, Midawga Yurub, Midawga Afrika, Jaamacada Carabta iyo Mareykankaba xidhiidh aad u fiican baa inaga dhexeeya, ee waxaanu leenahay sidaas uu Madaxweynahayagu sheegay ayaa dhab ah oo Somaliya waanu kala tagnay, waxaanu kala hadli karnaa oo qudha in aanu sidaas hadda kala nahay aanu kala ahaano, oo waliba cid kastana in aanu qaranimadayada ku qancino ayaanu diyaar u nahay, ee ha naloo tixgeliyo mar kasta jiritaankayaga dawladnimo, dalnimo iyo dadnimo”.

 

Mar uu ka hadlaayey xidhiidhka Somaliland iyo Beesha Caalamka iyo Ictiraaf raadinta ayaa yidhi “Beesha Caalamka, xidhiidh aad u fiican baa inaga dhexeeya,Dawlad ahaana waxaanu diyaar u nahay in aanu ka midho dhalino sidii aanu ku heli lahayn Ictiraaf Caalamiya, dhabaheediina waanu haynaa, Caalamkuna in Ictiraafka inagaga maqan inay ina siiyaan weeye,, madaama aynu nahay dal jira, Cudurkan Coronviruska ee dunidii godoonku ku ridayna, waxaan ALLE ka baryayaa inuu inaga dulqaado, dadkuna ha is ilaaliyaan”.

Xigasho: Geeska Afrika