Xarunta Xuquuqal Insaanku waxa ay si adag u canbaaraynaysaa xadhiga iyo dacwad ku oogista laba fanaan oo ku xidhan Hargeysa

War-saxaafadeed

Somaliland waxa ay dacwad ku soo oogtay fanaaniin Muqdisho booqday

 

Xarunta Xuquuqal Insaanku waxa ay si adag u canbaaraynaysaa xadhiga iyo dacwad ku oogista laba fanaan oo ku xidhan Hargeysa.

 

Dawladda Somaliland waxa ay xidhay Xamda Yuusuf Ibraahim iyo Barwaqo Maxamed Xaashi bishii April kadib markii ay ka soo noqdeen Muqdisho oo ay ku soo dhigeen bandhigyo faneed.

 

Dawladdu waxa ay ku soo oogtay dacwad ciqaab ah iyada oo ku eedaysay falal dalka ka dhanka ah oo muwaadin dalka debediisa ka sameeyo (qodobka 212 Xeerka Ciqaabta) iyo in qof muwaadin ahi lacag ka qaato shisheeye (qodobka 189).

 

Labada eedood ba waxa ay la xidhiidhaan badhig baneed ay ku dhigeen Muqdisho.

 

Maaha markii u horaysay ee ay Somaliland u xidho fanaaniin inay tageen Somalia.

 

Sidoo kale waxa xidhan Cabdiwahaab Cismaan Cumar oo ah dhaqdhaqaaqe degan Boorama. Waxa loo xidhay dhaliil uu soo dhgay Facebook ga. Wax eed ah laguma soo oogin.

 

Xaruntu waxa ay aad uga xun tahay dulqaad darida dawladda iyo xanibaadaha ay ku soo rogtay fanaaniin bandhigyo faneed ka dhiga gobolka Geesk Afrika oo dad badan oo degaa ay yihiin Soomaali. Eedaha lagu soo oogay waa ciqaabis aan sharci ku fadhiyin.

 

Xarunta Xuquuqal Insaaku waxa ay walaac wayn ka qabtaa ciqaabta la saarayo fanaaniinta. Waxaanu ugu baaqaynaa dawladda inay ka noqoto eedaha ay ku soo rogtay fanaaniinta oo ay xorriyadooda u soo celiso labada fanaan iyo Cabdiwahaab.

 

 

 

Yasmin Omar Haji Mohamoud

Gudoomiyaha Xarunta Xuquuqal Insaanka Somaliland

 

Mobile: +252 (0)634472011