Wasiir-Xigeenka Arrimaha Dibedda oo ka qaybgalay shir caalami ah oo ka dhacay Hague

War-saxaafadeed ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibedda oo goor dhawayd nuqul ka mid ahi Bandhige soo gaadhay ayaa tibaaxaya in Wasiirku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Somaliland Mowliid Maxamuud Ibraahim uu ka qaybgalay shir caalami ah oo lagaga hadlayay sidii aqoonyahanka qurbe-joogga ahi dalka ugu soo laaban lahaayeen aqoontoodana uga faa’iidi lahaayeen, kaas oo ah mashruuc ay Hay’adda Socdaalka Aduunka “IOM” kala shaqayso dawlado badan oo jaalliyado ku leh Netherlands ama Midowga Yurub.

Shirkani wuxu ka furmay shalay xarunta Wasaaradda Arrimaha Dibadda Netherlands waxana ka soo qaybgalay khubaro maxalli iyo caalamiba isugu jira, xirfadleyaal tiro badan oo qurbe-joog ah, hay’adaha ku shaqada leh xidhiidhka jaaliyadaha iyo masuuliyiin ka socotay sagaal waddan oo ay ku jirto Somaliland.

Ujeeddada loo qabtay shirku waa in la gorfeeyo Mashruuca Soo Celinta Ku-Meel-Gaadhka ah ee Xirfadleyaasha Waddaniga ah, kaas oo afka qalaad lagu yidhaa “Temporary Return of Qualified Nationals”. Waa mashruuc ay hay’adda IOM xafiiskeeda Netherlands ka caawiso waddamo kala duwan.

Sidoo kale shirka waxa lagu falanqaynayaa saamaynta togan ee mashruuca, wakhtiga loogu talo galay iyo in la dhiirrigeliyo sidii aqoonyahanka xirfadleyaasha ah ee qurbe-jooggu ugu gudbin lahaayeen aqoonta iyo waayo-aragnimada ay leeyihiin qaramada ay u dhasheen.

Aqoonyahanka qurbe-joogga ah ee Somaliland ee qaybta ka ah mashruucan ayaa  sannadihii u dambeeyay soo kordhayay mihnado shaqo oo kala duwan iyagoo ka hawlgala hay’adaha kala duwan ee dawlada Somaliland.

Wasiirku-Xigeenka Arrimaha Dibedda waxa shirka ku wehelinaya Agaasimaha Waaxda Isgaadhsiinta ee Wasaaradda Dibedda Saleebaan Maxamuud , waxayna shirka ku tageen martiqaad rasmi ah oo Somaliland ka heshay  Netherlands.

IOM Netherlands waxay mashruucan kala shaqaysaa sagaal waddan oo Somaliland iyo Somaliya ku jiraan. Waddamada kale waxay yihiin Afganistan, Armenia, Cape Verde, Georgia, Ghana, Iraq, Moroco iyo Sudan. Isu-gayn 800 aqoonyahan qurbajoog ah yaa dalalkoodii dib ugu noqday ugana faa’iideeyey aqoontooda tan iyo intii mashruucani bilaabmay.

bandhige@gmail.com