Shir ay saaka iskugu yimaadeen Wasiirada Wasaaradaha Arrimaha Gudaha Yaasiin Xaaji Maxamuud Xiir, Wasiirka Duuliska, Hawada iyo gaadiidka Cirka Farxaan Aadan Haybe, oo ay wehelinayaan Wasiiru Dawlaha Amniga Maxamed Muuse Diiriye, Taliyaha Ciidamada Booliska Sareeye Guuto Cabdillaahi Fadal Iimaan iyo Taliyaha Ciidanka Laanta Socdaalka Maxamed Cismaan Caalin ayaa dalka lagaga mabnuucay Guud ahaanba in lagu joojiyey isticmaalka iyo ku safrida Baasaboorka Soomaaliya ee lagu qori jiray in lagu daabacay guddaha guddaha Somaliland.
Shirkan oo maanta oo ay taariikhdu tahay 29/01/2017 ka qabsoomay xafiiska wasiirka Arrimaha guddaha ayaa lagu cusboonaysiiyey qaraar hore uga soo baxay wasaarada arrimaha guddaha oo mabnuucayey qaadashada iyo isticmaalka baasaboorka lagu sameeyo ama laga soo saaray goob ka mida guddaha dalka Somaliland.
Go’aamada Wasiiradu isla qaateen waa sidan hoos ku qoran:
1-In gabi ahaanba la joojiyo qaadashada, istimaalka iyo ku safarka baasaboorka Soomaaliya ee ka soo baxay ama ay ku qoran tahay in lagu sameeyey goob ka mid ah dhulweynaha jamhuuriyada Somaliland laga bilaabo January 2017.
2- Dhammaan shirkadaha safarka iyo diyaaradaha (Airlines and Travel Agencies) kuma jari karaan tigidh baasaboorka kor ku sheegan ee la mamnuucay Isticmaalkiisa.
3- Dhammaan laamaha socdaalka iyo amniga waxa la farayaa in aan baasaboorkan dalka lagu soo gali karin lagagana bixi karin.