Booliska Somaliland iyo Liyuu Booliska Itoobiya ayaa isku rasaaseeyey duleedka galbeed ee Wajaale, gudaha Somaliland

 

Is-rasaasayn aan khasaare badan gaystay ayaa booliska Somaliland iyo ciidamada loo yaqaan Liyuu Booliska ee Dawlad-Deegaanka Soomaalida Itoobiya ku dhex maray deegaanka Garbahaadley oo ah duleedka Wajaale sida ay nagu soo gaadhayaan warar xogogaal ah oo naga soo gaadhay Wajaale.

Isku-dhaca ayaa bilaabay kadib markii ciidamada Liyuu Boolisku u soo gudbeen xadka Somaliland ayna bilaabeen in ay dadka baadhaan.

Ciidamada Booliska Somaliland ayaa ka war-helay xaaladda ka jirta Garbahaadley kadibna way ku baxeen, waxaana halkaas ka bilaabmay is tacshiiradayn.

Inta la og yahay hal askari ayaa laga dhaawacay ciidamada Liyuu Booliska, iyadoo ay kadibna dib ugu noqdeen xadka Itoobiya oo ay markii hore ka soo tallaabeen. Dhaawicii ayaa la keenay dhinaca Somaliland hase ahaatee markii dambe loo gudbiyey dhinaca Itoobiya.

Haatan xaaladda Wajaale waa ay deggan tahay, isku-socodkuna waa caadi in kastoo la sheegay in saraakiisha Somaliland ay taxadar ka muujinayaan in ay u tallaabaan dhinaca Itoobiya.

Labada dawladood ayaan midkoodna ka hadal sababta keentay shilkan iyo cidda xad-gudubka iska leh.

Wixii war ah ee amuurtan ka soo kordha kala socda Bandhige News.

Daawo muuqaalka Horn Cable TV oo warbixintan la xidhiidha:

https://www.youtube.com/watch?v=7KtLnZOzf_A

Bandhige@gmail.com