Beesha caalamku waa koox dayaysan (WQ: Xuseen-Lucky Maxamed Maxamuud)

 

Waxaa Xalay Warbaahinta Caalamka iyo tan Maxaliga ahba ku jirtay Beesha Caalamka oo diiday go’aankii ay Axaabta Qaranka iyo Madaxweynaha Somaliland Isla qaateen ee lu aadanaa in Doorashada Madaxtooyada dib loo dhigo ilaa iyo Bisha Octobor 017, si mudnaanta koowaad loo siiyo samatabixinta iyo taakulaynta dadka la dhibaataysan abaarta daran ee inta badan ka jirta dalkeena, iyagoo, weliba si adag u faray Xisbiyada Qaranka iyo dawladda Somalilandba inay dib uga noqdaan go’aankaas, haddii kale, ay dib u eegi doonaa wada shaqaynta iyo Iskaashiga ay la leeyahiin Somaliland.

Labo arimoodba Waa layaab, 1. Umad la leeyahay sida aad masiirkiina iyo noloshiina u maaraynaysaan xaq uma lihidiin, ee anagaa (Beesha Caalamka) idiin sheegayna, idiina goynayna sida aad u maaraynaysaan noloshiina waa wax aad iyo aad loola yaabo, 2. In wixii ay isku raaceen hay’adihii umadani lahayd, iyo shacabkiiba, inta layska indha-tiro, oo la yidhaahdo ma ahan sidan aad u fekerteen sax, ee waa inaad raacdaan sidaanu u fekerayno haddaanu nahay Beesha Caalamka, iyana waa layab kale. Beesha Caalanmka ee baaqan soo saartay, ma ka warqabaan waayaha iyo dhibaatada haystata dadkayagii?, ma ka warqabaan dadkayaga dhimanaya abaarta darted, iyo xooolahooda idlaaday?, ma ka warqabaan in umaddani aanay maanta doorasho iyo wax la mid ah oo laga fekero fursad u haynin, ee ay la tacaalayaan sidii loo badbaadin lahaa dadka inta hadhay? Mise arinkoodu waa HABARTII DUSGHEEDIYO DEGELKAY KU NOOLAYD DARUURUHU KU HOOREEN, DADBA WADA HELYOO DAAD-WARARAC BAY TIDHI, oo macnaheedu yahay, haddii iyaga dalalkoodii iyo dadkoodii aanay dhibaato hayninj, ma ahan inaad u qaataan in noloshu ay wada tahay sida tan dalkooda taala.

Akhriste, Waxaynu ka warqabnaa qarax yar, ama Duufaan, ama dhul gariir yar oo ka dhaca dalalka mid ka mid ah kuwan ku bahoobay magaca beesha Caalamka ayaa ay xaalad degdeg ah ku dhawaaqaan, oo ay xataa wax kastoo muhiim ahaa joojiyaan, halka ay masiibadda abaareed ee dad iyo duunyaba ay u dhimanayaan ee maanta aynu ku jiro ay kasoo qaadayaan wax aan macno lahayn, oo ay doorasho inagu dirqiyayaan, waar yaa wax doorta,ma qof dhibaataysan, oo silcaya ayaa wax doorta? Mise, iyagaa (Beesha caalamka) codaynaya oo doorashada gelaya?

Gunaanadkii, Waxaan kula talin lahaa Xisbiyada Qaranka, iyo Golayaasha kale ee Somaliland inaanay dhegaysan Baaqan macno-darada ah ee kazoo yeedhay Beesha Caalamka, waayo, waa mid haybad iyo macnaba tiraya xaq u lahaanshaheena ku aadan inaynu masiirkeena uga talino sida aynu qabno inay inoogu fiican tahay, Beesha Caalamkana waxaan odhan lahaa u fekera si waaqici ah oo caqli iyo masuuliyadi weheliso oo laydinla qaadan karo, waayaha aanu qabno, duruufaha abaareed ee na haysta iyo waajibka naga saaran doorasho xalaal ah oo dalkan ka dhacda is waafajintoodana, anagaa idiinka xogogaalsan, idinkana xaq leh ka go’aan gaadhistooda.

Wa Bilaahi Towfiiq.

Hoos ka akhri maqaalladii hore ee Xuseen-Lucky:

Iilka kii dhigay, u dacwooday “Xildhiban Faarah Dheere”

Ha lagu baaqo roob doon ay kelii ku yihiin carruurta malcaamadaha dhigtaa

Xildhibaanadda Barlamaanka Soomaaliya ma yeelan dareen Qaran, markay dooranayaan Madaxweynaha soo socda ee Soomaaliya? 

Muuse Biixiyow, ma xabaalahaa ku codayn doon, hadduu…. 

Buubaayow, khariiradda siyaasadeed ee bedelaysaa maxay tahay? 

Carruurta malcaamadaha dhigta ayaa ku haboon inay rabbi Inoo…

Ma gurmad baa mise waa tamashlayn?

Abaartii Dabadheer waxaynu haysanay Dawlad uu Madaxweyne-ku-Xigeenkeedu ahaa General Ismaaciil Cali Abokor, maantana…

Waayaha dadka ay abaaruhu haleeleen iyo weedha wasiirad Samsam, laba aan is lahayn

Nidaamyada faasidka ahi waxay dadkooda baraan in ay noqdaan kuwo aan runta waajahin, dhibkoodana ay xalkeeda cid kale ka sugaan

Colaadda Gaalkacayo ka oogani, waxay ceeb ku tahay caqliga bulshada reer gaalkacayo

Wasiir Shucayboow, dalka ma Hargeysa ayuun baad ka taqaanaa ama u taqaanaa?

Tolow, goorma ayaynu garan doonaa in aynu waddo khaldan raacayno

Burco, Email, husseinlucky@hotmail.com