Wasiirka Dibedda ee Iiraan Javad Zarif ayaa ku tilmaamay go’aankii Madaxweyne Donald Trump Maraykanka kaga mamnuucay waddamo door ah oo Muslimiin ah dadkiisu in ay Maraykanka yimaadaan hadiyad la guddoonsiiyey dadka argagixisa-doonka ah ee raadiyey sababo ay u cuskadaan dadka ay ururradooda u qortaan ee loo adeegsado xagjirnimada.
“Waxba ma soo kordhinayo in uu yidhaa Muslimiin baan ka joojiyey Maraykanka, waayo go’aankiisani wuxu deeq u noqonayaa xagjiriinta. Iiraana waxay qaadi doontaa tallaabo la mid ah ta uu Maraykanku qaaday” ayuu yidhi Wasiir Javad Zarif.
War-murtiyeedkan kooban oo uu Zarif ku daabacay barta uu ku leeyahay Twitter-ka wuxu ka dambeeyey go’aan uu shalay Madaxweyne Trump dal-ku-galka kaga joojiyey waddamada Iiraan, Ciraaq, Liibiya, Soomaaliya, Suudaan, Suuriya iyo Yemen.
Go’aankan uu Trump gaadhay ayaa ka walaaciyey dad badan oo Iiraaniyiin ah iyadoo tirada dadka Iiraaniyiinta ah ee ku nool Maraykanku ay gaadhayaan 1 milyan oo qof. Sidoo kale, marka la isku geeyo tirada dadka ee u socdaasha Maraykanka ee ka tirsan toddobada dal ee uu Trump xayiraadda ku soo rogay Iiraan waxay ka noqonaysaa 45%.
Il-Wareed: Wakaaladaha Wararka
Bandhige@gmail.com