Wasiirka Arrimaha Gudaha JSL oo Kulan la Qaatay Wefti ka Soday Baarlamanka Kenya

Hargeysa (Dawan);- Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha JSL Maxamed Kaahin Axmed ayaa kulan la qaatay wefti Ballaadhan oo ka socdey Baarlamaanka dalka Kenya, kuwaasoo booqasho ku yimi Dalka Jamhuuriyadda Somaliland, kana soo qaybgalay shir ay qaban-qaabisay Wasaaradda Qoyska iyo Arrimaha Bulshada ee Somaliland oo ku saabsanaa horuumarinta haweenka Somaliland.

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha JSL Maxamed Kaahin Axmed ayaa weftiga warbixin ka siiyey nabadgelyada guud ee Somaliland iyo horuumarka ay gaadhay Jamhuuriyadda Somaliland tan iyo markii ay madaxbanaanideeda kala soo noqotay dalka la isku odhan jirey Soomaaliya.

Xildhibaanada ayaa Wasiirka uga mahadnaqay soo dhowaynta uu u sameeyey iyo sida ay ugu faraxsan yihiin horuumarka iyo nidaamka Dowladnimo ee ka hirgalay dalkan Jamhuuriyadda Somaliland. Kulankan wasiirka waxaa ku wehelinayey xubno ka mid ah Golaha Wasiirada iyo Masuulin ka tirsan Wasaaradda Arrimaha Gudaha.

Cabdillaahi Axmed Caarshe

Agaasimaha Warbaahinta iyo Xidhiidhka Dadeynaha ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha JSL.

 

 

 

Xigasho:wargeyska dawan Bandhige@gmail.com