Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland Oo maanta kulan la yeeshay culimada waaweyn ee Ehelu Suna Waljamaaca ee Hargeysa

Wasiirka Wasaarada Arimaha Gudaha Somaliland Cali Maxamed Waran-cade ayaa maanta kulan la yeeshay Xubno ka mida Culimada Waaweyn ee Ehelu Suna Waljameeca ee magaalada Hargeysa.

Wasiirka ayaa hore balan ugu qaaday Culimada Ehelu Suna Waljameeca kaasi oo maanta ku beegnaa Balantu,Balse Wasiirku waxaa uu dhayalsaday isla markaana aanu xil.iska saarin kulanka ย uu la lahaa Culimada. kaasi oo Culimada Qaarkeed Saluug weyn ka muujiyeen Qaabka uu u qaabiley Wasiirku.

Wasiirka ayaa Culimada u qaabiley qaab aanu meeqaamkeedu fiicnayn isagoo Culimada kula Hadley Sara-joog,xaga ay Culimadu ka eegayeen in loo qaabilo qaab meeqaam keeda leh.

ย Kulankan ay maanta la haayeen Wasiirka iyo Culimada Ehelu Suna Waljameeca ayaa u jeedadiisu la xidhiidhay Adkaynta Amaanka iyo midaynta culimada iyo mahabka Dalka ku dhaqanka diinta islaamka ย iyo ilaalinta dalka iyo dadka iyo ka saarida fikirada qaldan ee aan sharciga islaamka ย meela kaga jirin .

Waxaana Wasiirka iyo Culimadu u balameen in maalinta Bariya hadii allah idmo in kulan dambe la iskugu yimaado

Culimadan ayaa Wasiirka ku adkeeyey in aanu dhayalsan kulankooda iyagoo xusay in la kulankoodu dalka iyo dadkaba Muhiimad gaara u leeyahay Waxaana Culimadii Halkaasi ka hadashay ka mid ahaa:+

Sayid Maxamed Sayid Cabdilaahi X.Cilmi

Sh.C/raxmaan Yaasiin

Sh.Axmed Caabi Cabdi

Isku soo wada Duuboo Waxaa laga dhulsugayaa Waxaa ka soo baxa kulankaasi.iyo sida Wasiir Waran-cade Bari u Qaabilo Waaweyn ee Ehelu Suna Waljameeca.

Wariye:Maxamed Jiciir Aw-Axmed

Maxamed.jiciir@gmail.com

ย