Wasiirka Arrimaha Guddaha waxa uu hambalyo u ciidamada ammaanka iyo dhammaan ummadda Muslimiinta fadliga bisha barakaysan ee Ramadaan

Wasiirka Arrimaha Guddaha Cali Maxamed Waran-cadde ayaa waxa hambalyo u diray ciidamada ammaanka iyo dhammaanba ummadda Muslimiinta curashada bisha barakaysan ee Ramadaan.

Hambalyada wasiirkuna waxay u dhignayd sida tan:

“Anigoo ku hadlaya magacayga iyo kan wasaarada Arrimaha Gudaha iyo Amaanka Jamhuuriyadda Somaliland, waxaan ugu horeyn hambalyo iyo bogaadin u dirayaa dhammaan Ciidamada Amaanka  Dalka Iyo Xaasaskooda, Shucuubta Islaamka guud ahaan iyo shacbiga Jamhuuriyadda Somaliland , oo aan ku tahniyadaynayo bilashada bisha barakaysan ee Ramadaan, waxaan leeyahay Ramadaan kariim, kullu caam wa-antum bilkhayr. Illaahayna waxaan ka baryayaa in aynu Ramadaantan teeda kale innagu gaadhsiiyo bash-bash, barwaaqo iyo amni, Aamin.”

bandhige@gmail.com